U bood dhigaalka

Madaxweyne Qoorqoor iyo Xaaf Oo Ku Kulmay Magaalada Galinsoor

Sheeko:Dalka

Wafdi uu hogaaminayo madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa waxa ay magaalada Galinsoor kula kulmeen madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Madaxweynihii hore ee Galmudug Xaaf ayaa waxa uu xalay ku hoyday magaalada Galinsoorisaga oo ka soo kicitimay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug, waxaana maalmihii la soo dhaafay Gaalkacyo ku sugnaa xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Waxaana xildhibaanadaasi ay Xaaf ku qancinayeen in uu la kulmo madaxweyne Qoorqoor maadaama Xaaf uu horey u qaadacay doorashadii ka dhacday Dhuusamareeb balse maanta ayaa la filayaa in madaxda ku kulantay Galinsoor ay sii gaareen caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Xaaf lagu qanciyay in uu tanaasulo islamarkaana uu ka qeyb galo caleemasaarka madaxweynaha Galmudug ee Axmed Qoor iyo ku xigeenkiisa.

Goobjoog News