U bood dhigaalka

Madaxweyne Qoorqoor oo Booqday Taliska Ciidanka Qalabka Sida

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa kormeer ku tagay Talisyada ciidamada kala duwan ee qalabka sida, waxaana safarkiisa ku wehlinayey mas’uuliyiin ka tirsan maamulka

Kormeerka madaxweynaha ayaa waxaa ku wehlinayay wasiiro ka tirsan xukuumadda Galmudug, saraakiisha ciidamada qalabka sida, gudoomiyaha gobolka Galgaduud iyo maamulka degmada Dhuusamarreeb.
Madaxweynaha oo la hadlayay ciidamada qalabka sida ayaa ku bogaadiyay guulihii dhawaan ay kasoo hoyeen howlgalkii xasilinta caasimadda iyo deegaanada hoos taga, isagoona ku dhiirigeliyay ciidamada kala duwan inay sii joogteeyaan.
Goobjoog News