U bood dhigaalka

Madaxweyne Qoorqoor oo Ka Hadlay Wajiga Labaad Ee Shirka Dhuusamareeb

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmugud Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa  xalay khudbad ka jeediyey gunaanadka shirka wadatashiga madaxda maamul goboleedyada oo  ku soo idlaaday magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweynaha ayaa dhammaan martidii ka soo qeyb gashay uga mahadceliyey sida ay u ajiibeen gogosha ay ku marti qaadeen iyo sidoo kale  mahad celin u jeediyey shacab reer Galmudug oo xil iska saaray marti gelinta shirka.

” Shirkii wadatashiga,  dowladaha xubnaha, dowladda federaalka, sida aad ogtihiin ama aad la socotaan noogu soo gaban gaboobay, jawi ka turjumaya, xaalaha dalka ka jira, xaaladaha na hor yaalla iyo sida ay tahay in loo wajaho, towfiiq iyo talo ayuu ku soo dhamaaday. Wuxuuna noogu xirmay ugu dambeyn wajigiisii koowaad taladaas iyo sida loo tilmaamay xalka iyo xaaladda hadda jirta sida ay u wada socon karaan” ayuu yiri madaxweynaha Galmudug.

Sidoo kale madaxweynaha oo sii hadlayo ayaa yiri” Waxaa noo furmi doona wajigii labaad oo ay ka soo qeyb geli doonaan sida ay rajaynayno  madaxda dowladda federaalka Soomaaliya  oo aan rajaynayo inuu maalmaha soo socdo uu noo furmo Insha allah. Shirkaas asaga ah, waxaan rajaynaynaa sida quruxda badneyn oo sharafta badneyd la isugu afgartay kii hadda dhammaaday uu kaasna  uu ku dhamaado nooguna qabsoomo” ayuu yiri Qoorqoor.

Hadalka madaxweynaha ayaa waxaa uu ku soo aadayaa iyadoo maalmihii tagay magaalada Dhuusamareeb uu ka socday shirka wadatashiga madaxda maamul goboleedyada, kaas oo laga soo saaray dhowr qodob oo ku aadan xaalada dalka iyo arrimaha doorashooyinka, waxaana madaxda dowladda loogu baaqay in ay ka soo qeyn galaan wajiga labaad ee shirka oo dhowaan ka furmayo magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug.Image may contain: 3 people

Image may contain: 9 people, people sitting

Image may contain: 4 people

Image may contain: 9 people

Image may contain: 4 people, people standing

Image may contain: 5 people

Image may contain: 2 people, text

Image may contain: 5 people

Image may contain: 7 people, outdoor

Image may contain: 3 people, crowd

Image may contain: 3 peopleImage may contain: 7 people

Goobjoog News