U bood dhigaalka

Madaxweyne Qoorqoor oo Lagu Soo Dhoweeyey Turkiga

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowlad goboleedka  Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) iyo wafdi balaaran uu hoggaaminayo ayaa garay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Wafdiga madaxweynaha waxaa soo dhaweeyay Masuuliyiinta Safaarada Soomaaliya ee dalka Turkiga ee uu hogaaminayay Amb jaamac Cabdullaahi Ceydiid iyo ku xigeenkiisa .

Sidoo kale dadka Soo dhaweeyay waxaa ka mid ahaa guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Turkiga Sheikh Maxamed, qaar ka mid ganacsatada Soomaaliyeed eek u dhaqanka Turkiga.

Madaxwaynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (QoorQoor) waxaan safarka ku wehlinayo guddoomiyaha guddiga la socodka iyo hirgalinta dib u-eegista dastuurka ee barlamaanka federaalka Soomaaliya Cabdi Xasan Cawaale (Qeydiid) maareeyaha wakaalada horumarinta dhismaha Soomaaliyeed bashiir Maxamed Jaamac (Keynaan) iyo xubno kale.

Ugu dambeyn madaxweynaha Galmudug ayaa la filayaa inta uu dalkaasi ku suganyahay uu la kulmi doono madaxada safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga,Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi iyo ardayada Soomaaliyeed ee wax ka barata magaalooyinka kale duwan ee dalkaasi ee uu kala hadli doono xaalada guud ee dalka gaar ahaan deegaanada Galmudug.