U bood dhigaalka

Madaxweyne Qoorqoor oo Shaaciyey Shirka Dhuusamareeb inuu Waqtigiisa Ku Qabsoomayo

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi kaariye Qoorqoor ayaa safar shaqo ugu amba baxay wadanka  Turkiga.

Madaxweynaha oo safarkiisa ka hor shir jaraaid qabtay ayaa sheegay shirka magalaada Dhuuisamareeb uu dhacaayo waqtigii lagu ballamay

” Maanta waxaan safar gaaban ku tagi doonaa  Turkiga howlo shaqo, waxaana ku maqnaan doonaan maalmo kooban, mudadii ka horna waxaan tagi doonaa caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb, si shirkii iyo arrimihii halkoodii aan uga sii wadno” ayuu yiori madaxweyne Qoorqoor.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey madaxda wowladda fadaraalka, iyo dowladaha xubnaha ka ah, doorkii wacnaa oo ay ka qaateen qabsoomida shirarkii hore, isagoona ku baaqay in shirka 15 Agoostana si mugleh looga soo qeyb-galo una rejeeyey inuu ku dhammaado guul iyo is-afgarad.

Goobjoog News