U bood dhigaalka

Madaxweyne Qoorqoor oo Si-rasmi ah u Furay Wajiga Koowaad Ee Dhuusamareb3

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa xalay sheegay in si rasmi ah u furan yahay  wajiga koowaad ee Shirka Dhuusamareeb 3,kaas oo ballanku ahaa in looga heshiiyo nuuca doorasho ee dalku aadayo 2020-2021-ka  xili aysan weli magaalada soo gaarin madaxda maamullada Jubbaland iyo Puntland

Madaxweynaha gogosha dhigay Dhuusamareeb oo furay shirka ayaa yiri” Sida aad la socotaan Dhuusamareeb2 waxaa lagu heshiiyey in bisha August 15-keeda la isugu yimaado magaalada, Dhuusamareeb Dhuusamareeb3, si looga heshiiyo hannaan doorasho uu dalku galo, madaxdii Soomaaliyeed ee kasoo qeyb gashay Dhuusamareeb2″

Madaxweynha Qoorqoor oo sii hadlayo ayaa yiri” Ballantu waxaa ay aheyd in 15 bisha la isugu yimaado magaalada Dhuusamareeb, waxaa kasoo qeyb galay oo 15-kii ilaa iyo hadda nasoo gaaray madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis  Xasan Maxamed Laftagareen, Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamed Maxamuud Cumar Filish, waxaan weli nasoo gaarin oo shirka kasoo qeyb galin madaxweynha Puntland  Saciid Cabdillaahi Deni iyo madaxweynha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo runtii aan cudurdaar leh oo xanuunsan inta aan ognahay, allah caafiyo ayaan leenahay,  dhammaan madaxda waan u mahad celinaynaa oo waqtigii ku timid, madaxweyha dowladda federaalka ayaa yimid waana u mahadcelinaynaa waqtiga uu ku yimid ”

Madaxweyne Qoorqoor ayaa sheegay in la sugaayo madaxda maamullada ka maqan masha shirka  oo weli aan soo  shirka Dhuusamareeb 3″ Waxaan rabaa inaan halkaan idiin kaga cadeyno inaan walaalaha maqan sugeyno, diyaarna aan u nahay, ballamtuna ay aheyd oo dhankooda ay ka qabteen ballanta, oo aan leenahay shirka soo gaara walaalayaal, noo imaada wixii loo arko oo ay mudan yihiin ama ay wax ka jiraan, gogoshii iyo goobtii loogu talo galay in looga heshiiyo waa taallaa, oo aan ballankeeda wada qabanay. Sidaas darteed warar hawada la isuku mariyo iyo fariimo la isku gudbiyo xaaladda Soomaaliya maanta ay ku jirto iyo waqtiga la joogo kuma  aadana  waqtigeena maahan, waxaana isleeyahay xili fariimo hawada la isku mariyo ma joogto waa la kala duwanaan karaa waa jiri karaan waxyaabo aan lagu wada qanacsaneyn”  ayuu yiri madaxweyne Qoorqoor.

Furitaanka wajiga koowaad ee shirka Dhuusamareeb3 ayaa waxaa uu ku soo aadayaa iyadoo madaxda maamullada Jubbaland iyo Puntland aysan ku sugneyn madasha shirka, waxaana waqtiyo isku dhow ay soo saareen qoraallo, kuwaas oo ay ku jireen talooyin ay bixiyeen labada maamul iyo dhaliil ay u soo jeediyeen madaxweyne Farmaajo, Madaxweynaha martida loo yahay ayaa ugu baaqay in labada madaxweyne gobloleed in ay yimaadaan shirka.

Goobjoog News