U bood dhigaalka

Madaxweyne Qoorqoor oo Tababar u Xiray Ciidamo Kamid Noqonaya Daraawiishta Galmudug

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Galmudug  Axmed Cabdi Kaariye ayaa tababar usoo xiray cutub ka tirsan ciidamada Darawiishta Galmudug oo tababar uga soconayay Magaalada Dhuusamareeb.

Ciidamada tababarka loosoo xiray oo la laylinayey muddo Dhawr bilood ah, waxay noqonayaan dufcaddii 1-aad ee ka baxda, dugsigaTababarka Ciidamada ee magaalada Dhuusamareeb.

Khudbad uu jeediyay Ciidamada ayuu ku faray inay si wanaagsan ugu shaqeeyaan deegaankooda & dadkooda kana difaacaan cadowga.

Madaxweynaha Galmudug ayaa ku ammaanay Wasaaradda Amniga Gudaha iyo saraakiisha tababarka bixinaysay sida wanaagsan ee Ciidamada ay u diyaariyeen.

Tani waxay qeyb ka tahay daddaalada Galmudug ee ku aadan tayeynta iyo u qaabeynta ciidamada kala duwan.

Goobjoog News