U bood dhigaalka

Madaxweyne Qoorqoor oo War Kasoo Saaray Doorashada Ka Socota Cadaado

Sheeko:Baarlamaanka
Madaxweynaha dowlad goboleedka  Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa bogaadiyay doorashada Golaha Deegaanka ee ka soconaysa degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, isagoona u rajeeyay in ay dhawaan si habsami leh kusoo dhamaato, halkaas oo lagu soo doorto gole la isku raacsan yahay.
Madaxwaynaha ayaa sidoo kale ku dhiirogaliyay degmooyinka kale ee isku diyaarinaya doorashada golaha Deegaanka in ay dar-dar galiyaan doorashooyinka golaha deegaanka ee degmooyinka Galmudug, kuwaas oo lagu wado in siyaabo kale duwan ay uga dhacaan, Cadaado ayaa taariikh nuucaan ka gashay Galmudug.
 Madaxweynaha Qoorqoor ayaa xusay in xukuumadda Galmudug ay ku howlan tahay sidii Galmudug ay uga qabsoomi lahayd doorasho qof iyo cod ah, iyadoona ay ka dhigantahay doorashada golaha deegaanka ee degmooyinka Galmudug in ay dhabbaha u xaarayso xaqiijinta doorasho qof iyo cod ah.
Magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa saakay shacabka degmadu ay u dareereen doorashada golaha oo ka kooban 12 xubnood, waxaan dib laga dooran doonaa 11 xubnood oo kale, wadarta 24-kaas xubnood ayaa iska dooran doona guddoomiyaha degmada Cadaado iyo ku-xigeenkiisa.May be an image of 2 people, people standing and indoor
May be an image of 1 person
May be an image of 2 people, people standing and indoor
May be an image of 4 people, people sitting, people standing and indoor
Goobjoog News