U bood dhigaalka

Madaxweyne Qoorqoor oo Weli Isticmaalaya Magaca Dhuusamareeb, Aaway Samareeb?

Sheeko:Baarlamaanka

Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug Axmed Kaariye Qoorqoor oo ka hor hadlayey maanta golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ayaa lagu arkay in weli uu isticmaalayo magaca Dhuusamareeb.

“Waxaa gogol la dhigay ama fadhiyo iyo kulmo aad u muhiim ah lagu qabtay xarunta Galmudug ama caasimadda Galmudug ee  Dhuusamareeb”.

Arrintan ayaa imaaneysa bil kayar markii madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu magaca ka badalay caasimadda Galmudug isaga oo u bixiyey Samareeb.

Magac ka badelka Dhuusamareeb ayaa keenay muran badan iyada oo shacabka ay weli isticmaalaan erayga Dhuusamareeb, waxaana maanta kusoo biirtay dowladda Galmudug.

Dhanka kale, khudbadda madaxweyne Qoorqoor ee golaha aqalka sare ayaa waxaa uu xoogga ku saaray arrimaha dib u heshiisiinta, dhismihii xukuumadda iyo nidaamka dowliga ah, shirarkii ka dhacay Dhuusamareeb ee dhexdhexaadinta DF iyo dowlad goboleedyada, heshiiskii doorashada iyo arrimo kale.

Goobjoog News