U bood dhigaalka

Madaxweyne Shariif Oo Bilaabey Inuu Dhex-dhexaadiyo Labada Aqal Ee Baarlamaanka Federaalka ah

Sheeko:Baarlamaanka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay waxaa uu Muqdisho kulamo kula yeeshay guddoomiyeyaasha labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal oo golaha shacabka ah iyo Cabdi Xaashi oo aqalka sare ah.

Madaxweyne Shariif oo kulanka ku wehliyeen xildhibaannada xisbiga Himilo Qaran ayaa la sheegayaa inuu bilaabay dadaalo lagu dhameynayo khilaafka labad aqal oo 4 bil jirsaday.

Ma cadda waxyaabaha ay isku soo qaadeen labada dhinac, laakin ilo kulanka ku dhow ayaa sheegaya in ujeedka ahaa sidii labada aqal ay dib ugu bilaabi lahaayeen wada shaqeynta, isaga oo Shariif marar hore ku celceliyey in wada shaqeyntooda ay wax badan ku xiranyihiin.

Goobjoog News