U bood dhigaalka

Madaxweyne Shariif oo Gaaray Gobolkii uu Ku Dhashay

Sheeko:Amniga

Madaxweynihii Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa goordhow waxaa uu gaaray gobolkii uu ku dhashay ee Shabeellada dhexe.

Shariif marka laga soo tago inuu gobolkaasi ku dhashay waxaa uu sanadihii 2001-dii ilaa 2002-dii  ka ahaa guddoomiyaha maxkamadda maamulkii gobalka Sh. Dhexe, isaga oo halganka maxkamadeynta halkaasi ka bilaabay kadib Muqdisho madax ka noqday maxaakiimtii Islaamiga.

Dib u noqoshada Shariifka ee Jowhar ayaa lagu micneeyey inuu taageero u muujiyo mas’uuliyiinta doonaya madaxweynaha Hirshabelle, inuu tashiyo soo sameeyo iyo inuu wax ka ogaado dhismaha maamulka iyo u diyaargarowga Jowhar ee doorashada 2020/2021.

Mudane Sheekh Shariif ayaa sanadkan ah murashax doonaya inuu kursiga Villa Somalia ka badalo ninka uu siyaasadda soo geliyey, dadkana baray ee Farmaajo.

Goobjoog News