U bood dhigaalka

Madaxweyne Shariif oo Ka Digay Sharci Darrida: Dadkan Kuligood Baasbaoor ayay Heystaan Berri waa Baxayaan

Sheeko:Dalka

 Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta saxaafadda la hadlay 24 saac kadib markii laga celiyey safar uu ku aadi lahaa Kismaayo.

Mudane Shariif Sheekh ayaa waxaa uu hadalkiisa ku bilabay “Waxaan aaminsanahay in qof walbo oo muwaadin ah uu xaq u leeyahay inuu u safro meel walbo uu doono, goor walbo uu doono, waxaan u aragnaa nasiib darro in dowlad sharci lagu doortay ay sharciga jabiso, waan u aragnay tacadi iyo la jabiyey dastuurka, oo dowladda si ula kac ah u sameysay, xaqna aysan u laheyn.

Dhanka kale, Shariif Axmed waxaa uu ka hadlay xukunka oo la isku dhajiyo“Aniga waxaan ahaa nin jabhad oo wadaad ah oo xaalkiisa aad ogtihiin, waa la iiga filanaayey in aan xukunka ku dhago, markii aan doorashada sameynayey waxaa isoo gaarayey talooyin badan oo ah bahashan dib isaga riix, horay u soco, waxaan dhahay maya ma sameynayo, laakin waxaa gariib ah ruux Mareykan ka yimid, ruux ka yimid Yurub oo leh 30 sano ayaan soo joogay in uu maalin walbo sharciga garab maro, arrintaas arrin la aqbali karo ma aha, nin meel iska fadhiyey ama ilmihiisa u shaqeysanyey dal nabad ah, oo markii dalka la isku hagaayey la yiri ku soo dhowow la yiri waa lagu doortaye, oo garbaha laga istaagay lama aqbali karo garoonka kama bixi kartid, garoonka waxaa ay iga reebi karo sharciga, Kismaaysharciga ii ogol Kismaayo, Puntland aado, meel kasta aado, qaraabo salaan aan u socdo, islaan adhi raaceysa in aan u tagi karo, 24-kii ayaan dowladda ka sugeyney iney ka garaabaan qaladkoodka, waxaan cambaareyntaa go’aanka saaka la soo saaray oo lagu cunaqabeyntaa reer Kismaayo, waa sharci darro, xaq ayey u leeyihiin iney meel walbo aadaan”.

Madaxweyne Shariif waxaa uu soo hadal qaaday waxyaabaha laga sugayey dowladda iyo sida ay wax noqdeen “Dowladdan waa dowladdii aan ka sugeynay iney noo qaban qaabiso doorashooyinka soo socda, haddii aysan ogolaan karin in Kismaayo la aado ama xaflad laga qeybgalo ama loo safro, oo aysan awood u laheyn in samarkaas la timaado, maxay awood u leedahay, sidee loogu aamini karaa mustaqbalka soo socda? Dastuurkii ma dhameystirin, nimaadkii doorashooyinka meel uu u socdo lama yaqaano, amniga Muqdosho iyo dalka waa ogtihiin, amniga waa ku fashilantay, dhaqaalaha, magaalada ayaa kala xiran, ganacsi furan ma jiro, yey u adeegaan? Waxaa ay daba socdaan siyaasi”.

Dhinaca kale, waxaa uu sheegay sababta uu muddo dheer u aamusnaa”Aniga dowladda waxaa uga aamusnaa turid aan u turayo, 4ta sano haloo dhaafo, marka haddii aysan ogolaan karin xuriyadda, doorasho innaga iyo iyaga aan wada galeyno sidee ku ogolaan karaan? Garoonka 15 sano isaga oo xiran maxkamdihii ayaa furay, dowladdii aan hogaaminayey waxaa ay ku guuleystay termninalka in laga soo degi karo, garoonkii intaas iga soo gashay haddii aniga la ii ogolaan waayey, cidda loo ogolaanaa ii sheega? Garoonka haddii uu Farmaajo ka bixi karo aniga waan ka bixi karaa? Haddii uu sharciga ii diido isagana waa u diidaa”.

Mr. Shariif Axmed  ayaa ugu dambeyn baaq u diray qeybaha umadda Soomaaliyeed“Waxaan arkaa dowladda Soomaaliyeed oo dhumeysa, si aysan taasi u dhicin, waxaan ugu baaqayaa waxgaradka, axsaabta, maamul goboleedyada, aqoonyahanada, culimada, dhalinyarada, haweenka, cid walba oo wax gal ah waxaa qabaa in loo istaago Qarankan sidii loo badbaadin lahaa, maxaa yeelay sharci daradan sida ay u socoto wax aan la maleeysaneyn ayaa dhici kara, dadkaan kuligood baasbaoor ayay heystaan berri waa baxayaan, meeshey rabaan aadayaan, carruurtooda ayay aadayaan, dadka meel ay aadaan laheyn waa dadkan waa dadkii loo soo shaqeeyay oo loo taagnaa danahooda in la fuliyo wax kale ma ahan warkeyga waa cad yahay dowladda waxay ku socotaa hannaan qaldan oo keenaya dowladda inay burburto”.

 Isaga hadalkiisa raaciyey “Maxamed Cabdullahi Farmaajo asagoo Boorsadiisa wata, Suutkiisa wato anigaa magacabay, waddanka wax ka galay ma leh,  wadanka keenay oo xil u magacaabay wadankaan wax ka galay oo resource ah ma jiraan asaga un baa ku faa’iday ,Xasan Kheere Waa sidoo kale . Wadankaan anaga wax badan ayaa naga galay, waxaan leenahay stop meesha aad joogto ma  dhaafi kartid”.

Halkan Ka Daawo Khudbadda:

Goobjoog News

Mawduucyada:Banaadir