U bood dhigaalka

Madaxweyne Shariif Xasan Oo Maanta Furay Kalfadhiga Koowaad Ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed

Sheeko:Baarlamaanka

Waxaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Baydhabo, kalfadhigii koowaad ee baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed, iyadoo furintaanka kalfadhiga uu ka qeyb galey madaxweyne Shariif Xasan iyo wasiirka Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xuseen Maxamed Sheekh.

Kalfadhiga baarlamaanka ayaa waxaa maanta xaadir ku ahaa xubno xildhibaanno ah oo gaaraya illaa 86 xubnood, waxaana shir guddoominayay guddoomiyaha baarlamaanka C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye.

Kalfadhiga ayaa baarlamaanka loo qeybiyay xeerka Cadaaladda maamulka K.Galbeed, oo xildhibaanada laga codsaday iney soo akhriyaan, kadibna loo ballamay kulanka xiga maalinta khamiista ah ee soo aaddan, si looga doodo xeerka iyadoo baarlamaanku si toos ah u gudo gelayo howl maameedkiisa rasmiga ah ee loo igmaday.

Ugu dambeyn madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo hadal kooban ka jeediyay furitaanka, ayaa xubnaha baarlamaanka kula dardaarmay in waajibaadkooda shaqo si daacadnimo ah u gutaan iyo iney dedejiyaan shuruucda maamulka uu ku howlgalayo, waxaanuu  ku dhawaaqay furitaanka kalfadhiga koowaad ee baarlamaanka maamul goboleedka Koonfur Galbeed.