U bood dhigaalka

Madaxweyne Shariif Xasan “Shacabka Koonfur Galbeed Ha u Istaagaan La Dagaallanka Al-shabaab”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan ayaa ugu baaqay shacabka Koonfur Galbeed inay u istaagaan la dagaallanka Al-shabaab.

Wuxuu sheegay in dadka looga baahan yahay inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, islamarkaana u istaagana sidii ay isaga celin lahaayeen dagaalyahannada Al-shabaab waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Waxaan leenahay Dadweynaha dal dadkiis ayaa dhista, haddii aad u taagan tihiin diyaarna u tihiin wax u qabashada dalkiina inaad waxaad helaysaan taageer, nimankaan dowlad diidka ah ee isku qarxinaya Masaajidada, Iskuullada iyo meel walbo halaga hortago aragtidooda, mana ahan aragti Soomaaliyeed, dad meello kale dambi kasoo galay ayaa dalka doonaya inay Gambaad ka dhigtaan dalkeenna, yaan laga cabsan, Hanjabaadooda yaan dheg loo dhigin, shacabka waa in ay si hagar la’aaneed u taageeraan ciidanka” ayuu yiri Shariif Xasan.

Dhinaca kale Shariif Xasan ayaa ugu baaqay shacabka Koonfur Galbeed inay billaabaan iskaa wax u qabso oo meel walbo oo dib u dhis u baahan ay shacabka kaalintooda ka qaadaan.

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa howlgallo ka dhan ah Al-shabaab waxay ka wadeen meello badan oo ka mid ah gobollada dalka.

Goobjoog News