U bood dhigaalka

Madaxweyne Sheekh Shaakir Oo Soo Saaray Digniino Adag, Baaqna Diray

Sheeko:Amniga

Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug garabka Ahlu sunna Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa waxa uu kaga dhawaajiyay in xaaladda Galmudug ay haatan u muuqato mid deegaanada maamulkaasi lagu beerayo Al shabaab, isaga oo arrinkaasi si aad ah uga digay.

Sidoo kale warka ka soo baxay Ahlu sunna ayaa lagu caddeeyay in dowladda federaalka Soomaaliya ay ku guul dareysatay in deegaanadaasi ay ka dhisto maamul loo dhanyahay, taas badalkeedana waxa ay dowladda ku eedeeyeen in ay dhistay maamul ay iyadu wadato islamarkaana ay ku doonayso in ay ku hesho xildhibaanada cusub ee 2021.

Dhanka kale Sheekh Shaakir ayaa dowladda, dowlad goboleedyada iyo beesha caalamla ugu baaqay in Galmudug laga dhiso gole loo dhanyahay, kaas oo uu tilmaamay in lagu ilaalinayo nidaamka federaaleynta.

Sheekh Shaakir ayaa dhinaca kale ka digay in ciidamada ay soo tababareen Turkiga iyo Mareykanka loo adeegsado burburinta, caburinta shacabka iyo dhiira galinta Al shabaab.

Ugu dambeyn Ahlu sunna waxa ay sheegeen in doorashada Galmudug ay la mid noqon doonto tan dalka ka dhici doonta sanadka 20201.

Halkaan ka akhriso bayaanka

Ahlu sunna ayaa 29-kii Janaayo waxa ay madaxweyne u doorteen Sheekh Maxamed Shaakir cali Xasan, waxaana la ogeyn halka uu ku dambeyn doono khilaafka Galmudug.

Goobjoog News