Madaxweyne Sheekh Shariif Oo Ku Guuleystay Is hor Fariisinta Guddoomiyeyaasha Labada Aqal Ee BF

Madaxweyniha 7aad ee Soomaaliya Shariif Sheekh Xasan ayaa ku guuleystay dadaalkiisa ahaa iney is hor fariistaan guddoomiyeyaasha labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah kadib markii ay maanta isku arkeen xafiiska madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Labada aqal ee ay kala matalaan Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa waxaa uu xiriirkooda jarnaa tan iyo 3-dii Janaayo 2019. Aqalka sare ayaa sababo dastuuri awgood xiriirka u jaray golaha shacabka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu kulanka socdey ka codsaday labada dhinac  in la xoojiyo wada shaqeynta labada gole ee baarlamaanka federaalka ah, si ay u horseeddo qorshe iyo waxqabad mideysan oo sal dhig u noqda xaqiijinta himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay waxaa uu Muqdisho kulamo kula yeeshay guddoomiyeyaasha labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal oo golaha shacabka ah iyo Cabdi Xaashi oo aqalka sare ah.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW