U bood dhigaalka

Madaxweyne Sheekh Shariif: Wallaahi Haddii aysan Joojin waan Bixineynaa, Mooryaanimmo ma Yeeleyno

Sheeko:Amniga

Guddoomiyaha madasha xisbiyada qaran, madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo xalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa madaxda dowladda federaalka ah ku eedeeyey in aaney dadka u gargaarin, ogoleynna in loo gargaaro.

Mudane Sheekh Shariif oo arrintaas ka hadlaya waxaa uu yiri“Inta dadka lagala qeyb qaato xanuunka, baahidooda la dul istaago intaas ayaan u soconay, siyaasad ma jirin. Dowladda ma fahamsano wixii loo doortay, ma fahamsano sharciga lagu doortay, diyaar uma aha xuquuqda muwaanka Soomaaliyeed ee lagu aaminay iney ilaaliso, haddii inta ay istaagto gargaarka dadka u baahan yihiin gaarsiin lahaayeen, waxaan dhihi laheyn mahadsanidiin ku jeer, laakin meeshii waxbo ma geyneyno, baahideeda kuma filnin, intan baxno oo biyo lugaha gishanno ayaan soo noqoneyaa, sawir ayaan iska soo qaadeynaa, qofkii aadayana ma aadi karo”.

Madaxweyne Shariif waxaa uu sawir ka bixiyey sida wax u dhaceen, waxuuna yiri” “ Xamar xilli dambe ayaa nala qaaday, markii Balaweyne kor tagtay oo garoonkii aragnay, waa na soo celiyey, Xamar marka aan ku soo dhownahay ayaa Pilot-kii waxaa la dooday madaxweyne Xasan Sheekh isaga oo dhahay garoonka waa qoyan yahay, laguma degi karo halka madaxweynaha uu dhahay, waxaas waxbo kama jiraane, waan idin celinaa na dheh, ninkii maskaxdiisa waa is badashay, xiriir ayuu sameeyey, isla markii diyaarad militari oo Itoobiyaan ah, oo midda aan wadanay marka ugu yar tahay labo mar ka culus ayaa ka degtay, waa maqlay, waa kala jiireeyey, waa na geeyey, garoonka mid ciid leh ayuu ahaa, marka beenta intaas la eh ma fileyn”.

Guddoomiyaha madasha xisbiyada Mudane Shariif waxaa uu ka hadlay in ay dhismo u dan leeyihiin “Innaga mucaarad waa nahay, laakin mucaarad wax dhisaya ayaa nahay, maxaan wax ku dhiseynaa?  sharci, ciidamo miyaa nagu aragteen aniga Xasan Sheekh oo wadano, weligeen miyaan idiin kala hadlnay dowladda hala dumiyo, innaga waxaan leenahay sharciga hala ilaaliyo, waxa ugu horeeyana waa xuriyadda muwaadinka”.

Madaxweynaha waxaa uu soo hadal qaaday in la isweydiiyo waxa ka dhalan kara carada iyo caburinta muwaadinka Soomaaliyeed isaga oo yiri “Garoonka diyaaradda haddii dad laga celiyo, maxaa dhici kara isma weydiiyaan, dadkan qoryihii waa heystaan, weli xanuunkii waa hayaa, cadaalad darradii waa dul saaran tahay, albaabadii waa xiran yihiin, jid la mari kara ma jiro, haddii qofkii aad ceejiso, maxaa ka imaanaya, qofka normalka ah caqligooda waa ka hooseeyaa”.

Ugu dambeyntii, madaxweyne Sheekh Shariif oo caro ka muuqato waxaa uu sheegay in haddii dhibka laga joojin waayo ay xoog isaga qaban doonaan kuwa dhibka wada, lana aqbali doonin mooryaannimo, waxaa uuna arrinkaas ka yiri “Magaaladan mooriyaan ayaa heysan jirtay sow ma aha? Waa lala dagaalamay waa la bixiyey, Itoobiyaan ayaa soo galay maxaa lagu sameeyey, waa la bixiyey, Shabaab ayaa qabsaday, waa laga adkaaday, maka xoog badan yihiin dadkaas?  Walahi, tuma Walahii, tuma Walaahi haddii aysan joojin waan bixineynaa, qofka aan sharci ilaalin, muxuu nagula joogaa, Mooryaanimo ma yeeleyno, sharciga in la isku xukumo ayaan rabnaa”.

Madasha xisbiyada qaran oo shalay gargaar u waday dadka ku dhibaateysan magaalada Baladweyn ayey xariyaar ku sameeyeen qaar ka mid ah hey’adaha dowladda iyaga oo ka been sheegay cimilada, taasi oo markii dambe been noqotay, wafdigiina uu geeyey gargaarkii.

Goobjoog News