U bood dhigaalka

Madaxweyne Siilaanyo iyo Cali Khaliif oo Ku Kulmaya Dalka Itoobiya

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Khaatumo Pro. Cali Khaliif Galeyr iyo wefti uu hogaaminayo oo ka dhoofay magaalada Buuhoodle ee xarunta maamulka, ayaa waxay u kicitameen dhanka dalka Ethiopia, halkaasi oo ay sheegeen  iney ku tageen safar howleed maalmo kooban ah.

Safarka Madaxweyne Galayr inkastoo aan la faahfaahin ulajeedada dhabta ah ee ka dambeysa, ayaa hadana warar xog-ogaal ahi waxay sheegayaan iney halkaasi kula kulmi doonaan madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo oo isna maalinkii saddexaad ku sugan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Kulanka labada dhinac ee la filaayo inuu ka qabsoomo magaalada Addis Ababa ayaa ka dhashay wadahadallo muddo 3 bilood ah si goos goos ah u dhexmaraayey maamullada Somaliland iyo Khaatumo, kuwaasi oo u jeedkoodu ahaa sidii  maamulka Khaatumo  saami siyaaasadeed looga siin lahaa Somaliland.

Ilo ku dhaw arrintan oo la hadlay Goobgoog News ayaa waxay sheegayaan iney codsadeen masuuliyiinta ka soo jeedda gobolka Sool oo ah deegaanka uu ka dhisan yahay  maamulka Khaatumo, isla mar kanaa xubno ka ah xukuumadda madaxweyne Siilaanyo iney wadahadallo dhawr ah lala galo Madaxweyne Khaliif iyo kooxdiisa si  la iskula meel dhigo sidii loo xallin lahaa siyaasadda  labada maamul ku kala duwan yihiin.

Madaxaweyne Cali Khaliif oo warbaahinta la hadlay markii uu magaalada Buuhoodle ka ambabaxayay ayaa waxa uu sheegay inuu u safraayo waxa uu ku tilmaamay danaha dadka reer Khaatumo ee  uu masuulka ka yahay.

Somaliland ayaa aamisan in maamulka Khaatumo uu yahay maamul dhulkeeda ka dhex dhisan oo caqabad ku ah arrimaha ictiraaf raadinteeda, halka ay Khaatumo u arkaan iney yihiin maamul la siman oo ka tirsan federaalka Soomaaliya.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada