U bood dhigaalka

Madaxweyne Siilaanyo oo Cambaareeyay Qodobadii Shir Madaxeedka IGAD Qaarkood

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo oo madaxtooyadiisa ku qabtay kulan lagu dardar gelinayay  Ictiraaf raadiska maamulka ayaa caambaareeyay qodobadii shirkii IGAD gaar ahaan qodobka midnimada Soomaaliya lagaga hadlay.

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu ugu horreyn tallaabo geesinimo leh ku tilmaamay shirkii IGAD ee ku qabsoomay magaalada Muqdisho, waxa uu ballan qaaday in ay ka qeyb qaadan doonaan tallaabo kasta oo nabad looga dhalinayo guud ahaan Soomaaliya, waxaanuu cambaareeyay qodobadii shirka IGAD qaarkood oo uu ku tilmaamay kuwo aan u qalmin maamulkiisa:

“Waxaanu cambaaraynayna war-murtiyeedka ka soo baxay Shirka Madaxda IGAD ee ka dhacay Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Qodobka ka hadlaya Midnimada Somalia. Waxaanu u aragnaa mid la majara habaabiyay, oo aan ka turjumayn xaqiiqada dhabta ah ee xaaladda Somalia iyo Somaliland ka jirta. Waxaanu dunida u caddaynaynaa in Somaliland tahay dal madax bannaan oo aan ka mid ahayn maamul goboleedyada ku midoobay Nidaamka Federaalka Dawladda Somalia, ee looga taliyo magaalada Muqdisho”.

Siilaanyo waxa uu ka hadlay dadka reer Somaliland ee wax la qeybsanaya Soomaalida inteeda kale,  ee la filayo iney ka qeyb qaataan doorashooyinka 2016, waxa uu ku tilmamay kuwo aan matalin iyaga cid dooratayna aaney jiri:

“Waxaanu u caddaynaynaa Beesha Caalamka in aanay metelin Jamhuuriyadda Somaliland shaqsiyaad Muqdisho laga cugtay. Waxaanu u aragnaa maag iyo meel ka dhac qaawan, in magaca qarankayaga loo cimaamado cid aan shacbiweynaha Somaliland dooran, ama aanay ceelalyo u diran. Ummadda Somaliland waxaa matala oo kaliya, kana mas’uul ah, madax ku timi doorasho xor iyo xalaal ah (Xukuumad iyo Baarlamaan”.

Talaadadii 13 September ee la soo dhaafay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka qabsoomay shir madaxeedkii urur goboleedka IGAD muddo 30 sano ah ka dib, iyadoo ay ka qeybgaleen, madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo dowladdiisu ay shirkan martigelinaysay, Madaxweynayaasha dalalka Kenya, Uganda, Ra’iisul wasaaraha Itoobiya iyo mas’uuliyiin matalayasay Sudan iyo Jabuuti, iyadoo ay shirkaa ka soo baxeen qodobbo ay ka mid yihiin Doorashooyinka Soomaaliya iyadoo shirka lagu taageeray midnimada Soomaaliya.

Goobjoog News