U bood dhigaalka

Madaxweyne Siilaanyo oo Dadka Reer Sool u Ballan Qaaday Waxqabad Taariikhi ah

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Somaliland oo booqasho ku jooga gobolka Sool  ayaa dadweyne kala duwan oo ka kala yimid deegaanada tuulooyinka gobolka Sool ayaa waxa uu kula hadlay deegaanka Adhi-cadeeye oo magaalada Laascaanood  45 kiiloomitir dhanka Burco ka soo xiga, isagoo u ballan qaaday  inuu xilka ka dagi doono isagoo waxqabad taariikh ah ka sameeyay gobolka Sool.

Madaxweyne Siilaanyo oo khudbad halkaasi dadka uga jeediyey waxa uu ugu horayn ka hadlay dhanka siyasadda gaar ahaan, siyaasadiisa ku waajahan Sool, waxaanu sheegay in isaga oo kaashanaya khibradiisa iyo rajada uu ka qabo in taariikh wacan uu kaga tago xilka, sheegay markasta ka go’an tahay meel marinta ballanqaad kasta oo reer Sool u sameeyo, waxanau yiri;” Waxaan ahay oday rug caddaa ah oo Ummada u arriminayay in ka badan (40) sanno, uma aqaan siyaasadda hoggaamiyaha hagaagsan Dulmi, Dirsooc iyo Dad la kala qaybiyo.Sidaa daraadeed,  waxaa iga go’an in aan ka tago dal iyo dad midaysan oo leh daareen kaliya, waxaan diyaar u ahay in aan  galiyo  Maal, Maskax iyo Muruq badan dhamaystirka “.

Madaxweyne Siilaanyo  oo safarkiisa ay qayb ka tahay, sidii uu deegaanka Sool uga soo furi lahaa diiwaangelinta codbixiyeyaasha doorashada 2017  waxa uu sheegay inay xukuumaddiisa iyo guud ahaan dawladdu  ay u aragto horumar arrinta diiwaangelinta doorashada  isaga oo ka hadlaya arrimahaas  madaweyne Siilaanyo waxa uu yiri; “ Dawladda Somaliland waxay gudoonsatay inay Diiwaangaliso dhammaan dadka muwaadiniinta u dhashay Jamhuuriyada Somaliland, si ay u helaan jinsiyad iyo aqoonsi muujinaaya isir Raacooda. Eebbe mahaddii, mashruucaasi wuu socdaa, waxaana la meel mariyay 60%, inta hadhayna waxaa la qabyo-tiri doonaa sannadka 2017. Dhinaca kale, waxay Xukumadda Somaliland iyo Dalalka Deeq-bixiyayaasha aynu saaxiibka nahay iska kaashanayaan hirgelinta Diiwaangalinta Codbixiyeyaasha, taas oo ay ujeeddadeedu tahay in si sax ah oo hufnaan sugan leh loo diiwaangaliyo dadka leh xaqa codbixineed ama awood sharci u leh inay ka qayb qaataan Doorashooyinka Qorshaysan 2017.”

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu ugu baaqay dadka deegaanada Sool inay ka qayb-qaataan diiwaangelinta iyo doorashada labadaba “Gobolkan Sool ee aynu maanta Joognana, idam Eebbe waxay ka bilaabi doontaa Maalinta Salaasada ee 23/08/2016. Anigoo fursadan iyo fagaarahan ka faa’idaysanaya,  waxaan jecelahay inaan farta ugu fiiqo Bulshada ku nool Gobollada Sool, Xaysimo iyo Buuhoodle inay Diiwaangalintu tahay muhiim, isla markaana saamayn weyn ku leedahay “ ayuu ku yiri Madaxweyne Siilaanyo.

Deegaanada Sool  oo  ay marar kala duwan dagaallo siyaasadeed iyo mid beeleedba ay ku soo noq-noqdeen ayuu madaxweyne Siilaanyo sheegay in xal nabadeed oo waara oo deegaanadaasi laga sameeyo ay tahay talaabada koowaad ee horumarka gaarsiin karta deegaanka, waxaanu yiri; “waxaan u xoojinnay ammaanka magaalada Laascaanood oo dilal is dabajoog ah, isla markaana tiro badani ka dhici jireen xilliyadii hore, taas oo sababtay in laga barakaco iyo in uu qofku ka welwelo cawo-bariga naftiisa. Alleheenna weyn baa mahad iska leh ee innagu mannaystay nabadda aynu haysanno aynu sidoo kale ka suurogelino Sool “

Madaxweyne Siilaanyo oo khudbad dheer halkaasi ka jeediyey waxa uu hadalkiisa ku soo gabo-gabeeyey  waxqabadka uu deegaanadaasi ka sameeyey intii uu xilka hayey oo ay ku jiraan dugsiyo waxbarasho iyo waddooyin uu  ka sameeyey meelo ay magaalada Laascaanood ka mid tahay.

Waxaanu sidoo kale u ballanqaaday inay  ilaa saddex tallaabo oo uu ka xusay shaqo abuurka dhallinyarada  ay xukuumaddiisu ku horumarinayso  deegaankaasi  uu fulin doon inta uu xilka sii hayo.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa gobolka Sool gaaray maalinimadii shalay iyadoo safarka madaxweynuhu ku aadanaa xarig ka jaridda diiwaangalinta doorasho ee gobolka.

Goobjoog News