U bood dhigaalka

Madaxweyne Siilaanyo Oo Isku Shaandheeyey Xukuumaddiisa

Sheeko:Dalka

Wareegto habeenkii xalay ahayd kasoo baxday xafiiska madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa isku shaandheyn waxaa lagu sameeyay wasiirada maamulkaasi iyo xubno kale oo ka tirsan xukuumadda Siilaanyo.

Waxaa jirta mas’uuliyiin xilalakoodii ku waayey isku shaandheytaan, kuwo cusub oo kusoo biirey Xukuumadda Siilaanyo iyo kuwo shaqadoodii laga bedalay halkii ay mar hore ahayd.

Wareegtada ayaa sidan u qorneyd:-

Madaxweynaha Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-4377/122016 uu caawa xilka qaadis, isku bedel, iyo Magacaabid ku sameeyey xubno ka mida xukuumadiisa.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:            Ahmiyadda weyn ee ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka;           

Markuu Arkay:                     In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasaaraddaha ee Somaliland;

Markuu Ka Fiirsaday:        Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;

Markuu Ku Qancay:           In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

1 In Mudane, Xuseen Cabdi Boos, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda

Biyaha ee Somaliland

2 In Mudane, Cabdirisaaq Waabari Rooble, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Ciyaaraha iyo Dhalinyarada ee Somaliland
3 In Mudane, Khadar X. Yuusuf Cabdillaahi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Somaliland
4 In Mudane, Maxamed Axmed Obsiiye, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee  Somaliland
5 In Mudane, Maxamed Ibrahim Aadan (Qabyo-tire), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta ee Somaliland
6 In Mudane, Maxamuud Warsame Jaamac, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah ee Somaliland
7 In Mudane, Mustafe Maxamuud Cali Bile, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yadda ee Somaliland
8 In Mudane, Axmed Xaashi Cabdi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Madaxtooyada ee Somaliland
9 In Mudane, Guuleed Cabdi Xasan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta ee Somaliland
10 In Mudane, Liibaan Yuusuf Cismaan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka ee Somaliland
11 In Mudane, Mustafe Faarax Abraar, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Gaashaandhigga ee Somaliland
12 In Mudane, Cali Maxamuud Cali Samatar, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta ee Somaliland
13 In Mudane, Axmed Xuseen Rooble (Axmed Joqor), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland
14 In Mudane, Maxamed Sheekh Cumar Xasan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Somaliland
15 In Mudane, Khadar Axmed Diiriye, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka ee Somaliland
16 In Mudane, Yuusuf Ismaaciil Umal (Yucuboole), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Maaliyadda ee Somaliland
17 In Mudane, Cabdiqaadir Sheekh Maxamuud Warsame, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Somaliland
18 In Mudane, Axmed Maxamuud Nuur, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah ee  Somaliland

Gobolada Dalka

Madaxweynuhu:

Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad ee Dastuurka Somaliland;

Markuu Arkay:                     Qodobka 110aad ee Dastuurka Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:            Ahmiyadda ay Guddoomiyayaasha Gobolladu u leeyihiin Dhismaha Qaranka;

Markuu Aqoonsaday:       In baahi loo qabo buuxinta jagada Guddoomiyaha Gobolada Maroodijeex,Sool, Togdheer  ee Somaliland;

Markuu Ka Fiirsaday:        Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;

Markuu Ku Qancay:           In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

1 In Mudane, Axmed Maxamed Caalin (Tiimbaro), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Maroodijeex ee  Somaliland
2 In Mudane, Cabdi Khayre Dirir, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Sool ee Somaliland
3 In Mudane, Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Togdheer ee Somaliland
4 In Mudane, Maxamuud Axmed Maxamed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Sool ee Somaliland

Agaasimeyaasha Guud

Madaxweynuhu:

Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:            Ahmiyadda ay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraduhu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:                     In baahi loo qabo buuxinta jagada Agaasimaha Guud ee Somaliland;

Markuu Ka Fiirsaday:        Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;

Markuu Ku Qancay:           In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

1 In Mudane, Axmed Abokor Maxamed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, iyo Wacyigelinta ee Somaliland
2 In Mudane, Maxamuud Ismaaciil Cilmi (Deeq), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland.
3 In Mudane, Jaamac Axmed Cabdiraxmaan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka ee Somaliland
4 In Mudane, Maxamed Cilmi Aadan (Ilka-case), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Somaliland.
5 In Mudane, Cilmi Cabdiraxmaan Cashuur, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Maamulka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Gobollada iyo Dawladaha Hoose ee Somaliland
6 In Mudane, Maxamed Geedi Caynaashe, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Hay’adda Dhawrista Tayada (Quality Control) ee Somaliland
7 In Mudane, Maxamed Aadan Xirsi (Vitamin), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Hay’adda Maamul Wanaagga ee Somaliland

Wakiilada Somaliland u fadhiyidoona Dalalka dibeda

Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (r) ee Dastuurka Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:            Ahmiyadda Wakiillada Somaliland u fadhiya dalalka dibaddu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:                     In baahi loo qabo buuxinta jagada Wakiilka Somaliland u fadhiya Dalka Ingiriiska (United Kingdom);

Markuu Ka Fiirsaday:        Kartideeda, aqoonteeda iyo hufnaanteeda shaqo;

Markuu ku Qancay:           In ay hanan karto xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

1 In Marwo, Ayaan Maxamed Cashuur, laga bilaabo taariikhda maanta ay ahaato Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Ingiriiska (United Kingdom)
2 In Mudane, Cali Xuseen Ismaaciil Jirde (Cali Shoombe), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Somaliland u fadhiya Dalka Itoobya
3 In Ambassador, Cabdifataax Siciid Axmed Guuleed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Jabuuti
4 In Mudane, Sekeriye Xasan Wacays, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Sweden

Hay’adaha Dawladda Somaliland

Madaxweynuhu:

Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad Faqradiisa 3aad, Xarafka (t) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:            Ahmiyadda uu Baanka Dhexe u leeyahay Dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:                     In baahi loo qabo buuxinta jagada Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland;

Markuu Ka Fiirsaday:        Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Ku Qancay:           In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

1 In Mudane, Maxamed Cabdi Ibraahim (Dhoobaale), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland
2 In Mudane, Naasir Ay-jeex Jaamac, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Fulinta Guddida La Dagaalanka HIV AIDS-ka (SOLNAC) ee Somaliland
3 In Mudane, Khadar Maxamed Cakule, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Guud ee Telefishanka Qaranka Madaxa Bannaan ee Somaliland
4 In Mudane, Maxamed Cali Axmed (Daarood), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Magaalada Hargeysa ee Jamhuuriyadda Somaliland
5 In Mudane, Maxamed Cabdiraxmaan Liibaan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeye Ku-xigeenka Madbacadda Qaranka ee Somaliland
6 In Mudane, Axmed Daa’uud Geedi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Xisaabiyaha Guud ee Qaranka

La-taliyeyaasha Madaxweynaha JSL

Madaxweynuhu:

Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:            Ahmiyadda La-taliyaha Gaarka ah (Special Advisor) ee Madaxweynaha Somaliland;

Markuu Arkay:                     In baahi loo qabo buuxinta jagadan;

Markuu Ka Fiirsaday:        Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Ku Qancay:           In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

1 In Mudane, Cali Maxamed Warancadde, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La-taliyaha Gaarka ah (Special Advisor) ee Madaxweynaha  Somaliland
2 In Mudane, Abiib Axmed Cali, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Macdanta
3 In Mudane, Cabdillaahi X. Jaamac Cali, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La Taliyaha Baanka Dhexe ee Somaliland

Wuxuu go’aansaday

Ujeedo Xilka Qaadis

1 Mudane, Baashe Cali Jaamac, Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Biyaha
2 Mudane, Cabdillaahi Faarax Maydhane,  Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Ciyaaraha iyo Dhalinyarada
3 Mudane, Cumar Sheekh Maxamed Faarax (Cumar Yare),  Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
4 Mudane, Boos Mire Maxamed,  Wasiiru-dawlihii Hore ee Wasaaradda Maaliyadda
5 Mudane, Axmed Nuur Aw Cabdi Shaacir, Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare
6 Marwo, Shugri Xariir Ismaaciil, Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta  
7 Mudane, Cabdi Maxamed Hirad, Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee Wasaaradda Hawlaha Guud,  Guriyeynta iyo Gaadiidka         
8 Mudane, Siciid Cabdi Maxamuud, Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah
10 Mudane, Cismaan Garaad Soofe, Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta
11 Marwo, Rooda Jaamac Cilmi, Wakiilkii Hore ee Jamhuuriyadda Somaliland ee Dalka Sweden
12 Mudane, Maxamed Warsame Cali Cigaal, Wakiilkii Hore ee Jamhuuriyadda Somaliland ee Dalka Jabuuti
13 Mudane, Cali Aadan Cawaale, Wakiilkii Hore ee Jamhuuriyadda Somaliland ee Dalka Ingiriiska
14 Mudane, Ibraahim Siyaad Yoonis, Maareeyihii Hore ee Wakaaladda Biyaha Magaalada
15 Mudane, Cabdi Cali Mahdi, Maareeyihii Hore ee Telefishanka Qaranka Madaxa Bannaan ee JSL   
16 Mudane, Cabdirashiid Xirsi Dalmar Xasan, Guddoomiye Ku-xigeenkii Hore ee Gobolka Sool
17 Mudane, Nuuradiin Maxamed Cabdillaahi, Agaasimihii Guud ee Hore ee Hay’adda Dhawrista Tayada
18 Mudane, Xasan Aadan Geedi, Agaasimihii Guud ee Hore ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda
19 Mudane, Cabdiraxmaan Yuusuf Ismaaciil, Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda        
20 Mudane, Siciid Cabdi Maxamuud, Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah

Mudaneyaal iyo Marwooyin

Waxaan aad idinku mahadinayaa muddadii aynu wada shaqaynaynay. Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.

Sidaa darteed, waxaan gartay in aan idinka qaado xilalkii aad u hayseen  qaranka Somaliland.

Haddaba, waxaan idinka rajaynayaa in si niyad sami ah aad ugu wareejisaan xilalka aad hayseen Mudaneyaasha iyo Marwooyinka aan xilalka qaranka u soo igmaday una magacaabay.

ALLAA MAHAD LEH

Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.