U bood dhigaalka

Madaxweyne Siilaanyo oo Ku Waajahan Gobolka Sool

Sheeko:Dalka, War

Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed  Maxamed Siilaanyo ayaa u safray magaalada Laascaanood ee gobolka Sool si uu halkaasi xarigga uga soo jaro bilawga diiwaangelinta codbixiyeyaasha  gobolka sool  oo 23 bishan ka  bilaabmaysa deegaannada Sool.

Safarkan madaxweynaha  oo ay ku wehliyaan xubno wasiirro ah uu ka mid yahay wasiirka madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa saaka aroortii hore ka ambabaxay magaalada Hargeysa.

Gobolka Sool ayaa noqonaya  kii ugu dambeeyey ee diiwaangelinta cod bixiyeyaasha doorashadu ka qabsoomayso, iyadoo sidoo kale uu yahay gobolka kaliya  ee madaxweyne Siilaanyo uu furay diiwaangelintiisa. Tagitaanka madaxweyne Siilaanyo ee Sool ayaa waxay ka mid ahayd qodobo bishii hore dhamaadkeeda ay soo hordhigeen masuuliyiin  ka tirsan maamulka Khaatumo oo wadahadal heshiis ah la yeelatay masuuliyiin ka socotay Somaliland.

Deegaanada diiwaangelinta Sool la sheegay inay ka dhici doonto ayaa waxa ka mid ah Buuhoodle,  oo uu hadda safar ku joogo wasiirka caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Xaglatoosiye   waxaana Buuhoodle ku sugan sidoo kale xubno ka tirsan maamulka khaatumo iyo madax dhaqameed si adag uga soo horjeestay  wada hadalkii khaatumo iyo Somaliland.

Goobjoog News