U bood dhigaalka

Madaxweyne Siilaanyo oo Soo Saaray Xeerka Dhaqangalka Miisaaniyadda ee 2017

Sheeko:Dalka, War

Madaxweynaha Maamulka Somalilad Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyao ayaa maalintii shalay soo saaray xeer Madaxweyne oo lagu dhaqangelinayo miisaaniyad sanadeedka 2017.

War-saxaafadeed uu soo saaray afhayeenka madaxtooyada Somaliland Eng.Xuseen Aadan Cigge.

War-saxaafadeedka ayaa u qornaa sidan:
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo, waxa uu maanta xeer Madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/M/XERM/249-4469/012017, ku meel mariyey dhaqan-galka Miisaaniyad Sannadeedka 2017-ka.

Madaxweynuhu:
Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Go’aanka Golaha Wakiillada, Go’aan Lr. GW/G/KF-32/710/2017 ee ku taariikhaysan 03/01/2017 ee ay ku ansixiyeen Miisaaniyadda Sannadka 2017-ka ee Dawladda Dhexe, Dawladaha Hoose, Baanka Dhexe, Dekedda Berbera, Wakaaladaha Biyaha, Wakaaladda Laydhka Berbera, Madbacadda Qaranka, Wasaaradda Duulista iyo Hawada, Dakhliga Deeqaha Caalamiga ah iyo Dakhliga Mashruuca Maamul Daadejinta;
Wuxuu Soo Saaray Xeerkan oo lagu baahinayo dhaqan-galka Miisaaniyad Sannadeedka 2017-ka ee Dawladda Dhexe, Dawladaha Hoose, Baanka Dhexe, Dekedda Berbera, Wakaaladaha Biyaha, Wakaaladda Laydhka Berbera, Madbacadda Qaranka, Wasaaradda Duulista iyo Hawada, Dakhliga Deeqaha Caalamiga ah iyo Dakhliga Mashruuca Maamul Daadejinta.”
Goobjoog News