U bood dhigaalka

Madaxweyne Trump oo Cambaareeyay Dilkii Minneopolis Loogu Geystay Nin Madow Ahaa

Sheeko:Amniga

Madaxweyanaha Mareykanka Donald Trump ayaa naxdin iyo masiibo ku tilmaamay dilkii magaalada Minneopolis loogu geystay ninkii madowga ahaa ee George Floyd.

Trump wuxuu ka codsaday FBI-da iyo waaxda caddaallada dalkaas in tallaabo ay qaadaan marka ay soo afjaraan baaritaannada ku saabsan dhacdadaas.

Wuxuu sidoo kale u tacsiyeeyay qoyska iyo eheleada George Floyd.

“Sida aan ka codsaday, FBI-da iyo waaxda caddaallada waxay si wanaagsan u wadaan baaritaannada dhacdadan naxddinta badan ee masiibada ah ee dilkii Minnesota loogu geystay George Floyd. waxaan ka codsaday baaritaanada kaddib in tallaabo la qaado, waxaan si aad ugu mahadcelinaya ha’yadaha sharciga ee maxalliga ah shaqada ay qabteen…caddaallada waa inay dhaqan gashaa” ayuu yiri Trump.

Afar askari oo ka tirsan booliska magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka ayaa shaqada laga eryey kadib markii lagu arkay muuqaal laga duubay dil loo geystay nin madow ah oo aan hubaysnayn.

Medaria Arradondo, madaxa booliska magaalada Minneapolis ayaa sheegay in afarta askari ay “hadda yihiin shaqaale hore.”

Muuqaal la baahiyay ayaa tusinaya George Floyd, oo askari cadaan ah ku leh “Ma neefsan karo”, iyada oo la arkayay askariga oo luqunta lugta uga hayo Floyd.

Dhacdadaan ayaa ka caraysiisay dad badan iyada oo aad looga hadal hayo gudaha dalka Maraykanka.

FBI-da ayaa sheegtay inay baarayaan kiiskan oo fiidnimadii Isniinta ahayd ka dhacay Minneapolis.

Booliska Minnesota ayaa sheegay in Mr Floyd oo 46 sano jir ah uu ilaaliyo ka ahaa maqaayad ku taala halkaas.

Goobjoog News