U bood dhigaalka

Madaxweyne Trump Oo John Kelly u Magacaabay Xoghayaha Aqalka Cad

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Mareykanka Donlad Trump  ayaa  Kelly u magacaabay xoghayaha aqalka cad waxaana lagu badalay oo xilkaan horay u hayaye Priebus .

Mgacaabistaan ayaa waxay timid maalin ka dib markii Anthony Scaramucci uu ku eedeeyay  Priebus in warbaahinta uu sii yay warbixin.

Madaxweyne Trump ayaa Kelly ku magacaabay bartiisa Twitterka ku magacaabay waxaa uuna tilmaamay in maamulkiisa uu kaalin mug leh ka ciyaari doono.

Afhayeen u hadlay aqalka cad ayaa waxaa uu sheegay Kelly uu shaqada bilaabi doono maalinta Isniinta ah ee soo socota, waxaa uuna horay u ahaa wasiirka ammaanka.

Trump ayaa horay uga digay in la bixiyo xogta aqalka cad taas oo uu ku sheegay in ay halis ku tahay ammaanka  dadka mareykanka ah.

Goobjoog News