U bood dhigaalka

Madaxweyne Trump Oo Kordhinaya Miisaaniyadda Wasaaradda Difaaca Maraykanka

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa ballan qaaday inuu kor dhinayo miisaaniyadda  wasaaradda difaaca ee Maraykanka, waxa uuna doonayaa inuu ku daro 10% sida laga soo xigtay mas’uuliyiin ku sugan Aqalka cad .

Mas’uuliyiintaan ayaa waxay sheegeen inuu madaxweyne Trump uu doonayo inuu kordhiyo miisaaniyadda wasaaradda difaaca,isagoo ku dari doona lacag dhan 54 bilyan  oo u dhiganta boqolkiiba toban waxa uuna horgeyn doonaa xubnaha Kongareyska si ay u ansixiyaan miisaaniyaddaan.

Trump  oo qaar ka mida madaxda kula qaatay kulan Aqalka cad ayaa waxa uu sheegay in miisaaniyaddaan  xoogga lagu saarayo sidii loo horumarin lahaa  ciidamada, ammaanka iyo dhaqaalaha .

Maraykanka ayaa ku bixiya miisaaniyadda ugu baday ciidamada iyadoo ay gaareyso  miisaaniyadda ku baxda wasaaradda difaaca Maraykanka qarash dhan  600 bilyan oo doolarka maraykanka ah, .

Balse miisaaniyaddaan cusub ayaa waxaa go’aan ka gaaristeeda leh xubnaha kongareeska oo looga fadhiyo inay ansixiyaan ama ay diidaan .

Goobjoog News