U bood dhigaalka

Madaxweyne Trump Oo Qaadacay Xaflad Sanadeedka Weriyeyaasha Aqalka Cad

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dalka Marykanka Donald Trump ayaa sheegay inuusan ka qeyb galeyn xafladda  casho sanadeedka  taasi oo ay qabsanayaan weriyeyaasha aqalka cad, waxaana la qaban doonaa  xafladdaan 29 bisha Abril ee soo socota.

Xafladdaan ayaa waxay tahay mid aad  soo jiidasho u leh  waxaana ka soo qeyb gala siyaasiyiin, weriyeyaal  iyo dad caan ah.

Xafladda waxaa dadka la hadla  oo  ka soo qeybgala madaxweynaha Mareykanka oo markaas talada waddanka haya.

Hadalkaan ka soo baxay madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa waxa uu imaanayaa maalin ka dib markii  la shaaciyay in hay’ado warbaahineed oo ay ku jiraan BBC iyo Telefishinka CNNka laga mamnuucay inay ka qeyb galaan shirarka warbaahinta uu qabto Afhayeenka madaxweynaha Maraykanka.

Madaxweyne Donald Trump ayaa warbaahinta inta badan waxa uu u soo jeediyay dhaliilo , isagoo sheegay inay baahiyaan warar been abuur ah oo xaqiiqda ka fog waxa uuna ugu yeeray warbaahinta baahisa warar been abuur ah inay tahay cadowga shacabka Mareykanka.

Xaflad sanadeedka weriyayaasha aqalka cad  ayaa waxaa la dhigayay muddo ku dhaw boqol sano iyadoo soo bilaabatay sanadka markuu ahaa 1924tii waxaana ka soo qeyb gali jiray madaxweynaha markaas xilka haya isagoo ka jeediya khudbad .

Madaxweynihii hore ee dalka maraykanka Obama ayaa intuu xilka hayay ka qeyb galay marar badan waxa uuna ka jeedin jiray khudbado.

Goobjoog News