U bood dhigaalka

Madaxweyne Turkiga oo Markale Lagu Arkay Ololaha Doorashada Dalkaas

Sheeko:Caalamka

Madaxweyne Jamhuuriyadda Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Sabtidii maanta dib uga soo muuqday ololihii doorashada ee galbeedka Turkiga, kadib maalmihii lasoo dhaafay oo la sheegay inuu wajahay xaalad caafimaad.

Waxa uu soo gaaray magaalada dekedda leh ee Izmir iyadoo dadweyne aad u fara badan oo saacado ku sugayay cadceed kulul ay soo dhaweeyeen. Wuxuu ahaa isu soo bax xooggan oo ka dhacay goob mucaaradka u janjeera.

Ma jirin wax calaamad ah oo muujinayay xanuunkii sababay inuusan sameyn ololihiisa siyaasadeed ee muhiimka muddo 3 maalmood ah toddobaadkii tagay, markaas oo qoraal uu baahiyay ku cadeeyay xaaladda uu ku jiray.

“Waxaan Alle ka baryay in uu xanuunka igu wareejiyo, Diyaar ayaan u ahay inaan isaga u xanuunsado, wax walba wuu na siinayay.” ayay tiri Gurbet Dostum, oo ah Hooyo 42 sano jir ah oo haysata laba carruur ah oo hadashay.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku dhawaaqay inuu baajiyay howlihiisa doorashada ee loo qorsheeyay toddobaadkii hore, waxaana maalmihii Arbacada iyo Khamiista lagu wargaliyay dadka in la joojiyay.

Xisbiga AK ee madaxweyne Erdogan wuxuu siyaasadda Turkiga uu ka soo muuqday bishii November 2002, halka hoggaanka dalka Turkigana uu qabtay wixi ka dambeeyey 2003-dii, isaga oo noqday Ra’iislwasaare Madaxweyne.

Goobjoog News