U bood dhigaalka

Madaxweyne Waare “Isbedalka Maamulka Hiiraan Wuxuu Tusaale u Yahay Cudur Ku Jira Jirka Hiiraan”

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa ka hadlay isbedallada badan ee maamulkiisu ku sameeyo maamulka gobolka Hiiraan.

Wuxuu tilmaamay in su’aallo badan ay arrintaasi keentay, balse loo baahan yahay in la ogaado wax walbo sababta ay ku dhacayaan.

Waare ayaa ku sheegay isbedalka lagu sameeyo maamulka gobolka Hiiraan iney tahay cudur ku jira Hiiraan, loona baahan yahay in si dhab ah looga daweeyo.

“Qoka markii qandho qabato waxaa la leeyahay hala siiyo…qandho jabiye markii lagu celiyo ugu dambeyn waxaa la ogaadaa in qandhadaasi ka weyn tahay kaniiniga la siinayo…Isbedalka Maamulka Hiiraan Wuxuu Tusaale u Yahay Cudur Ku Jira Jirka Hiiraan” ayuu yiri Waare.

Muran dheer kadib, guddoomiyahii hore ee gobolka Hiiraan, Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa iska wareejiyey xilkaasi, kadib munaasabad ka dhacday B/weyne.

Goobjoog News