U bood dhigaalka

Madaxweyne Waare oo Gaaray Dhuusamareeb

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Hirshabelle ayaa noqday Madaxweyne goboleedkii ugu horeeyey ee taga caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb si uu uga qeyb galo shirka halkaas khamiista uga furmaya madaxda dowlad goboleedyada.

Madaxweyne Waare ayaa goordhow lagu soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha kadibna waxaa uu shir la qaatey Madaxweyne Axmed Qoorqoor kadibna waxaa loo gudbiyey guriga martida.

Berri ayaa lagu wadaa in halkaas uu ka furmo shirka dowlad goboleedyada halkaas oo ugu dambeyntii la filayo inuu kasoo baxo jiheynta siyaasadda dalka.

Farmaajo ayaa ku fadhilmay inuu madaxda dowlad goboleedka isugu keeno caasimadda Muqdisho iyaga oo ka doorbiday iney goonni u shiraan.

Goobjoog News