U bood dhigaalka

Madaxweyne Waare oo Golahiisa Wasiiradda Kala Hadlay Xaalada Baladweyne

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle  Maxamed Cabdi Waare ayaa xalay  magaalada Beledweyne   ee xarunta gobolka Hiiraan kula kulmay, xubno ka tirsan golaha wasiiradda Hirshabelle iyagoo ka wada hadlay xaaladda Fatahaada Beledweyne, iyo howlaha socda ee Dadka looga samatabixinayo Dhibaatada Biya baxada,

Sidoo kale  Waxaa Kulanka aad looga hadlay sida muhiimka ay u tahay hirgalinta barnaamijka Xalka Waara ee Beledweyne looga leexinayo Biyaha mar walbo ku fataha.

Madaxweynaha Hirshabeelle iyo golahiisa wasiirada ayaa sidoo kale isla soo qaaday dib u dhiska garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Baladweyne iyo sidii biyaha kusoo fatahay xaafada looga saari lahaa maaadaama isku socodka uu go’ay .

“Waxaan qorsheynay in mashaariic hormarineed aan ka fulino magaalada Baladweyne oo ay ka mid tahay inaan biyaha ka leexino magaalada si aan wax uga bedelmno fatahaadaha soo laa’laabtay iyo sidoo kale dhismaha garoonka diyaarahada Magaalada “ayaa logu yiri kulanka .

In kabadan 60 kun oo qoys ayaa ku barakacay fatahaada Wabiga Shabeelle uu ka sameeyay magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan waxaana haatan ay ku sugan yihiin deegaanka Ceel-jaale iyo deegaano kale oo hoostada magalaada si aan uga badbaadaan biyaha baxa wabigaasi shabeelle uu kawada.

Goobjoog News