U bood dhigaalka

Madaxweyne Waare Oo Laga Dalbaday Joojinta Isbedalka Badan Ee Maamulka Hiiraan

Sheeko:Dalka

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka maamulka Hirshabelle islamarkaana ku sugan magaalada B/weyne ayaa ka dalbaday madaxweynaha maamulkaasi, Maxamed Cabdi Waare iney joojiyaan isbedalka badan ee uu ku sameeyo maamulka Hiiraan.

Xildhibaan Aadan Axmed oo ka mid ah mudanayaashan oo ka hadlay munaasabad lagu soo dhoweynayey Madaxweyne Waare ayaa sheegay in meesha uu ka baxay waxqabadkii laga sugayey madaxda maamulka Hiiraan.

Waxa uu sheegay in isbedalkan uu gaaray xilligii ugu badnaa oo maamul walba isaga oo aan waxbo qaban meesha laga saaro.

“Mudane madaxweyne waxaan nahay xildhibaannadii ugu badnaa oo hadda ku sugan B/weyne maadaama deegaan doorashadeenna ay tahay, caqabadda ugu weyn waa in la kala diro maamulka Hiiraan isaga oo aan waxbo qaban” ayuu yiri xildhibaanka.

Maamulka Hirshabelle ayaa isbedalkii ugu badnaa ku sameeyey maamulka gobolka Hiiraan, iyadoo ku dhowaad 5 mas’uul loo magacaabay gobolkaasi wax ka yar Labo sano.

Goobjoog News