U bood dhigaalka

Madaxweyne Waare Oo Loogu Baaqay Wax Ka Qabashada Dagaallada Kusoo Noqnoqday Hirshabelle

Sheeko:Dalka

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, lagana soo doortay deegaannada Hirshabelle ayaa magaalada Muqdisho ku qabtay kulan lagu soo dhoweynayey madaxweyne Maxamed Cabdi Waare, iyaga ugu baaqay inuu la yimaado waxqabad muuqda.

Dr. Cismaan Maxamuud Dufle oo kamid ahaa xildhibaannadii halkaasi hadalka ka jeediyey ayaa ugu baaqay madaxweyne Waare in shaqadiisa uu ka bilaabo nabadeyn uu kala dhexdhigo beelaha ku dagaallamay Hirshabelle, kana shaqeeya dib u heshiisiin guud oo ka hirgasha deegaannada Hirshabelle.

“Madaxweyne howlaha ku horyaalla aad bay u badan yihiin….mudane maanta baahida jirtaa waa ay badan tahay laakiinse mudnaan ayeey kala lahaan kartaa, sidaad adigaba ku dhowaaqday mudnaantaada ugu horreysa ee maamul goboleedkaasi baahidiisa ah waxaan u aragnaa xagga amniga oo maanta aad arkeysid waxa jira iyo sidoo kale dib u heshiisiin” ayuu yiri xildhibaanka.

Xildhibaannada kale ee iyaguna halkaasi hadalka ka jeediyey ayaa sheegay in madaxweyne Waare ku garab siin doonaan shaqooyinka horyaalla, isaga iyo xubnaha kale ee maamulkiisana laga doonayo furfurnaan shaqo.

Madaxweynaha cusub ee maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa kulamo kala duwan la leh xildhibaanno, siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin kale oo magaalada ku sugan.

Goobjoog News