U bood dhigaalka

Madaxweyne Waare oo Magacaabay Xubnaha Hishabeelle Ku Matalaya Guddiyada Heer Federaal

Sheeko:Baarlamaanka

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa manta soo gudbiyey xubnaha maamulkaas ku matalaya guddiyada doorashada heer federal ee 2020-2021 oo laga sugayey iney soo gudbiyaan.

Madaxweynaha xubnaha uu soo magacaabay ayaa ka kooban afar xubnood, kuwaas oo Hishabeelle matali doona , waxaana ay kala yihiin Cabdinaasir Maxamed Guulee iyo Maxamed Maxamuud Cadow oo matalaayo guddiga hirghelinta doorashada dadban ee 2020-2021.

Sidoo kale Madaxweyne Waare ayaa Farxiyo Xasan Cismaan iyo Liibaan Cismaan Nuur ayaa u magacaabay in Hirshabeelle ay ku matalaan guddiga xalinta khilaafaadka dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Qoraal kasoo baxay madaxweynaha ayaa lagu sheegay in xubnahaan la magacaabay ay ka dambeysay heshiiskii dhowaan lagu gaaray magaalada Muqdisho, kaas oo u dhaxeeyey dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada laguna jaangooyey nuuca doorasho ee dalku uu aadayo 2020-2021-ka.

Goobjoog News