U bood dhigaalka

Madaxweyne Waare “Waxaan Furi Doonnaa Wadada Isku Xirta Muqdisho Iyo B/weyne”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa ka hadlay shaqooyinka ugu horreeya ee uu qaban doono maamulkiisa, maadaama maalintii shalay ahayd loo doortay xilkaan.

Waare ayaa sheegay in waxqabadkiisa ugu horreeya ay kamid noqon doonto furista wadada dheer ee isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo B/weyne oo uu sheegay iney muhiim u tahay marinka shacabka Hirshabelle.

Wuxuu tilmaamay in furista wadadan ay kala kaashan doonaan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

“Waxaan aad xoogga u saari donnaa annaga oo kaashaneyna ciidamada dowladda dhexe, kuwa aan annaga leenahay iyo AMISOM sidii lagu furi laha wadada isku xirta Muqdisho iyo B/weyne” ayuu yiri madaxweynaha.

Muddo badan, Al-shabaab ayeey u xiran tahay wadada isku xirta B/weyne iyo Muqdisho, waxaana dhanka kale jira deegaanno iyo degmooyin gobolka Hiiraan ah oo ay go’doomiyeen Al-shabaab.

Goobjoog News