U bood dhigaalka

Madaxweyne Xaaf “Dad Aan Talin Jirin Baa Taliyay” (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf oo maanta dib ugu laabtay degmada Cadaado kadib shir uu uga soo qeybgalay magaalada Kismaayo ayaa sheegay in dalka ay ka jirto dhibaato.

Waxa uu Xaaf sheegay in dad aan  talin jirin ay taliyeen, dadkii talin jirayna ay tageen waa sida uu hadalka u dhigaye.

Dowladda dhexe ayuu sheegay iney usoo qoreen talooyin dowladdana ay ka rajeynayaan iney talooyinkaasi qaadato.

“Dhib ayaa Soomaaliya ka jira, dad aan talin jirin baa taliyey, dadkii talin jirey waa tageen, Soomaaliya meel xun bay ku socotaa, annagu waxaan ka shaqeynay bal in umadda Soomaaliyeed la isku soo celiyo oo dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ay isku yimaadaan, aayahooda ka tashadaan, ilaahay haku soo hanuuniyo dowladda Federaalka ah, annagu taladii waan soo qornay waana maqasheyn baan u maleynayaaa, Cadaado iyo Galmudug aad iyo aad baan idiin salaamayaa, roobku waa yaryahay Allaha inoo badiyo” ayuu yiri Xaaf.

Arbacadii shalay, Kismaayo waxaa lagu soo gabagabeeyay shir Saddex cisho magaaladaasi uga socday madaxda maamul goboleedyada, waxaana ay kasoo saareey war-murtiyeed ka kooban 16 qodob.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News