U bood dhigaalka

Madaxweyne Xaaf “Galmudug Kuma Jirto Dagaalka Xeraale”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, oo wareysi gaar ah siiyey Gooboog News, ayaa sheegay in ciidanka maamulkiisa aanu ka qeybqaadan dagaalladii ka dhacay deegaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud.

Waxa uu sheegay Mudane Xaaf, in waxbo kama jiraan ay tahay eedeynta loo jeediyey maamulkiisa ee ah in dagaalkaasi qeyb ka yahay, isaga oo ugu baaqay dhinacyada isku haya deegaanka Xeraale in xabadda la joojiyo.

“Dagaalka ka socda Xeraale walaalahayn reer Xeraale iyo dadka meesha ku howlan dagaalkaa waxaan ka rajeyneynaa iney ilaahay ka baqaan oo umaddooda u naxaan, dadkana dagaalka ay ka daayaan, Galmudug ayaa ka dambeysa dagaalka wax ka jiro lama arko, Galmudug dagaalka kuma jirto, umana socoto, horeyna uma gelin hadana ma geli doonto, waxaan leeyahay walaalahay Ahlu-sunna iney ka waantoobaan arrinta dagaalka oo ka joojiyaan dadka, waa la barakacay, umad badan baa inkaar iyo magac xumo ku dhaceysa, haka joojiyeen dagaalka, hala joojiyo dagaalka” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xaaf oo hadalkiisa sii wata ayaa dhanka kale waxaan weydiinnay waxa uu ka yeeli doono Ahlu-sunna maadaama ay suragal ahayd in golahiisa wasiirada kusoo daro, iyagana hadda dagaallo ay uga jiraan deegaanka Xeraale.

Waxa uu tilmaamay in haddii xaalka sidan uu kusii socdo iney macquul tahay in dhankooda ay tashadaan.

Arrintaasi waa mid u baahan xoogaa watqi ah, haddii laga fursan waayo oo Ahlu-sunna imaan weydo oo sidaan xaalkeedu kusoo socdo kolley waan ka guureynaa malihin ee in laga tashado ayeey u badan tahay”

Dhanka kale, mar uu ka hadlay madaxweynaha Galmudug, abaarta ka jirta deegaannada uu ka arrimiyo maamulkaasi ayuu sheegay in xaalad ay hadda mareyso meel qatar ah, xadiga abaartuna tahay 100%, isaga oo dhanka kale sheegay in badi dadkii xoolo dhaqatada ahaa ee u badbaaday xoolaha yar ay deegaanno kale u guureen.

“Xadiga abaaraha Galmudug oo waa 100%, haba yaraatee Galmudug wax roob ahi kama da’in, dadkiina waa barakacay, wixii dadka qaar badan oo kamid ahaa 60% ama 70% la oran karo Galmudug wixii xoolo yar u haray wey ka guureen oo waxay aadeen Puntland, Somaliland iyo Kililka, caradaas oo roob ka da’ay ayeey u hayaameen iyadoo dhib badan uu ku haysto oo xoolihii qaar ay ka tageen oo qaar kalena ay carruur iyo Dumar wadaan, inta kale meeshii bay ku hareen, dhimasho aad u badan ayaa ka dhacay oo gaajo ah, hadda qeylo dhaan ayaan wadnaa, haddii beesha Caalamka tahay, dowladda dhexe waxyaabo soo gaaray in degdeg loo gaarsiiyo, hadana waxaan ka rajeyneynaa iyaga oo dhan in si degdeg ah loola gaaro mucaawino dadkaasi haddii diyaarad lagu qaadi lahaa, dhulka la marin lahaa ama badda lagu geyn lahaa” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf.

Goobjoog News