U bood dhigaalka

Madaxweyne Xaaf “Jawaari Wuxuu Isku Casilay Si Uu Dalkiisa u Badbaadiyo”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf oo maanta dib ugu laabtay degmada Dhuusamareeb kadib safar uu ugu maqnaa Jabuuti ayaa ka hadlay is casilaaddii guddoomiye Jawaari.

Waxa uu sheegay Xaaf in Jawaari uu isku casilay sidii uu ku badbaadin lahaa dadlka iyo dadka, uuna tanaasul sameeyey.

Sidoo kale, Xaaf ayaa ugu baaqay xukuumadda federaalka iyo golaha shacabka in mar dambe aanu dhicin khilaaf.

“Waxaan aad ugu mahadcelinayaa guddoomiye Jawaari oo istiqaallo geeyay si uu dalkiisa u badbaadiyo, xukuumadda iyo baarlamaanka waxaan ka codsaneynaa in khilaaf dambe aanu soo laaban, khilaaf wax ka xun ma jiraan” ayuu yiri madaxweynaha Galmudug.

Guddoomiyahii golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa maanta oo Isniin ah iska casilay xilkii uu hayey, kadib khilaaf muddo soo jiitamayey.

Goobjoog News