U bood dhigaalka

Madaxweyne Xaaf Oo Furay Kalfadhiga 5-aad Ee Baarlamaanka Galmudug

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, oo maanta Cadaado ka furey Kalfadhiga Shanaad ee golaha wakiilada Galmudug ayaa sheegay in maamulka uu madaxda ka yahay u baahan yahay horumarin badan, in la gaaaranaha baarlamaanka saldhig u yahay.

Munsabadda furitaanka kalfadhigan waxaa ka qeybgalay ku xigeenka madaxeynaha Galmudug, xildhibaanno, wasiiro Galmudug ah iyo sidoo kale qeybo kamid ah bulshada.

Cali Gacal Casir, guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug ayaa ugu horreyn sheegay in Kalfadhigaan sharciyo badan oo muhiim u ah hay’adaha maamulka ay baarlamaanka horyaalaan.

“Mudanayaal Kalfadhiga maanta furmaya waxaa inoo yaalla shaqooyin aad u badan oo ay ugu muhiimsan yihiin ansixintii xukuumadda, meelmarinta miisaaniyadda 2017 ee dowlad goboleedka Galmudug, hindise sharciyeedyadii kale oo ay muhiim u tahay in la ansixiyo”

Madaxweyne Xaaf ayaa xildhibaannada ka codsaday iney ku dedaalaan meelmarinta sharciyada aan looga maarmin shaqada wasaaradaha kala duwan ee maamulka.

“Kalfadhigiina waa inoo furan yahay, xildhibaannada waxaan ka codsanayaa inta maqan in sida ugu dhaqsiyaha badan usoo xaroodaan, shaqadooda qabsadaan si loo shaqeeyo, golaha wasiirada ma shaqeyn karaan haddii aanay shuruuc lahayn, wax aan sharci lahayn ma shaqeeyaan, wax walbo waa iney sharci yeeshaan” ayuu yiri Madaxweyne Xaaf.

Baarlamaanka Galmudug waxaa horyaalla shaqooyin badan, iyadoo sharciyada ugu muhiimsanna dhanka shaqadana aanu weli baarlamaanka meelmarin.

Goobjoog News