U bood dhigaalka

Madaxweyne Xaaf Oo Kulamo La Qaadanaya Waxgaradka Caabudwaaq

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf oo ku sugan degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa lagu soo waramayaa in halkaasi kulamo uu kula leeyahay waxgaradka degmadaasi.

Daahir Faarax, wariyaha Goobjoog ee Galgaduud ayaa soo sheegaya in kulamadan ay bilowdeen saakay, illaa haatanna ay socdaan.

Madaxweyne Xaaf ayaa sidoo kale lakulmay qeybaha kala duwan ee bulshada Caabudwaaq.

Inkastoo weli waxyaabaha ay ka wada hadlayaan madaxweynaha iyo waxgaradkan aan saxaafadda loo shaacin ayaa hadane warar horudhac ah oo ay heshay Goobjoog News, waxay sheegayaan in laga wada hadlayo sidii looga shaqeyn lahaa dib u heshiisiinta degmadaasi.

Madaxweyne Xaaf oo shalay gaaray degmada Caabudwaaq ayaa meel fagaare ah wuxuu ka sheegay in degmadaasi u yimid sidii uu dib u heshiisiin ugu sameyn lahaa beelaha deggan halkaasi oo marar badan dagaallo ay dhexmareen.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News