U bood dhigaalka

Madaxweyne Xaaf Oo Magacaabay 52 Wasiir

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducalle Geelle Xaaf, ayaa magacaabay golahiisa wasiirada oo ka kooban 52 xubnood.

Wasiirada la magacaabay ayaa ka kooban 22 wasiir, 22 ku xigeen iyo 8 wasiiru dowle.

Wasiiradan la magacaabay waxaa ku jira qaar kamid ah wasiiradii hore ee Galmudug kuwaasi oo dib loo soo celiyey.

Madaxweyne Xaaf ayaa ka codsaday xildhibaannada baarlamaanka maamulkaasi iney codka kalsoonida ah siiyaan wasiiradan.

Goobjoog News