U bood dhigaalka

Madaxweyne Xaaf Oo Shacabka Gelinsoor u Balanqaaday Helista Adeegyada Bulshada

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa u ballan qaaday shacabka ku nool Gallinsoor inay heli doonaan adeegyada bulshada ee hadda ka maqan.

Madaxweyne Xaaf oo booqasho shalay ku tagay Gallinsoor ayaa la kulmay waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka ee Gallinsoor.

Waxay dadku u sheegeen madaxweynaha waxyaabaha ay u baahan yihiin iyo sidoo kale sida ay muhiim u tahay helista adeegyada bulshada.

Agaasimaha Madaxtooyada Galmudug Maxamuud Cismaan oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in Xaaf uu shacabka u balanqaaday in dhowaan ay heli doonaan gurmad raashiin ah.

Waxa uu tilmaamay agaasimaha in Galmudug ay deegaanka Gelinsoor ka hirgelin doonto mashaariic kala duwan, maalmaha soo aaddan la gaarsiin doono gurmad raashiin ah.

Goobjoog News