U bood dhigaalka

Madaxweyne Xaaf Oo Sheegay In Dowladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyada Ay Heshiiyeen

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Galmudug Axmed Geelle Xaaf oo gaaray Gaalkacyo  ayaa ka hadlay heshiis uu sheegay inay wada gaareen dowladda federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah.

Wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa magaalada Gaalkacyo  ku soo dhoweeyay maamulka gobalka ciidamada iyo bulshada magaalada Gaalkacyo ee Galmudug.

Madaxweynaha  Galmudug ayaa kaga qeyb galay magaalada Garowe 26-kii bishan caleemo saarkii madaxweynaha cusub ee maamulka Putnlad Siciiid Cabdullahi Deni waxa uuna ka mid ahaa madaxdii ka qeyb gashay oo lagu casuumay xafladda.

Mudane Xaaf ayaa Galkacyo ka sheegay  iney kulmeen madaxweynaha jamuuriyadda federalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uuna xusay in madaxweynaha iyo maamulgobaleed yada uu is fahan uu dhexmay waxyaabaha dhimana la dhameestiridoono waxaana hadalkiisa ka mid ahaa

”Mudanayaal iyo marwooyin , annagu waxaan ka nimid magaalada Garowe oo muddo shan maalin ah aan soo joognay, waxaa uu ahaa shir Kheyr qaba, annaga koleey maamullo ahaan oo dowladdu gariifka nagala dhaxeysay, waxaan sameeynay xabad joojin xabadii waa la joojiyay wixii kalana hoos ayaa looga hadlidoonaa”.

Goobjoog News