U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan: Dagaalka Lagula Jiro Al-shabaab Waa Mid Qaran

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dagaalka lagula jiro Al-shabaab  uu yahay mid qaran, islamarkaana aanu cidna gaar u ahayn.

Madaxweynaha oo wareysi siiyey warbaahinta dowladda ayaa sheegay in dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab ay sii socon doonaan, islamarkaana ay wadi doonaan inta guud ahaan dalka laga saarayo Al-shabaab waa sida uu hadalka u dhigaye.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in dowladda Federaalka Soomaaliya doorka ugu weyn ee ay qaadatey tahay sidii Al-shabaab looga saari lahaa deegaannada ay gobollada dalka ka joogaan.

“Dagaalka Shabaab lagula jiraa horta waa dagaal qaran,  dagaal dowlad goboleed ama deegaan u gaar ah ma ahan, dowladda Federaalka dagaalkaasi hormuud bay ka tahay,  iyadoo kaashaneysa dowlad goboleedkane deegaannada aad tilmaantay ee dhiman waa la xoreynayaa waana la hagaajinayaa, dowladda Federaalka ahna waajibaadka ugu waaweyn  ee ay qaadatey ayeey kamid tahay in Al-shabaab dalka ka saarto, dagaalka Shabaab waa sii socon doonaa waana laga xoreyn doonaa deegaannada ay dalka ka joogaan” ayuu yiri madaxweynaha.

Xarakada Al-shabaab ayaa weli maamula deegaanno kamid ah gobollada Dalka, iyadoo dowladda Federaalka ay dagaal kula jirto ururkaasi.

Goobjoog News