U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan “Dalalka Africa Kaalin Ayeey Ka Qaateen Taageerada Soomaaliya”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in Africa ay kaalintii looga baahnaa ka qaadatey taageerada Soomaaliya, waayihii adkaa ee waddanka uu soo marey.

Waxaa uu Madaxweynaha xusay in Africa ay dunida u muujisey inay mashaakilaadkèeda xalisan karto, isla markaana Soomaaliya oo haatan dib u soo kabaneysa ay diyaar u tahay kaalinteeda inay ka qaadato horumarka iyo xasiloonida qaaradda.

“Soomaaliya waxay ka mid ahayd aasaaseyaashii Ururkii Midnimada Africa OAU. Madaxweynaheenii hore, marxuum Aadan Cabdulle Cusmaan waxaa uu ka mid ahaa aabeyaashii Africa ee dhidibada u taagey ururkan. Soomaaliya waxay gacan weyn ka geysatey xoreynta dalal badan oo Africa ku yaalla, kuwaas oo weli gacanta gumeysiga ku jirey”, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in doorkaasi ay Soomaaliya cayaartey awgeed ay waddamada Africa si weyn ugu soo gurmadeen, maantana dalku isku diyaarinayo qabsoomida doorashooyin markii ugu horeysa dhaca 47 sanno kadib.

Waxaa uu dhanka kale ka hadley dagaalka lagula jiro Al Shabaab oo uu sheegay in guulo la taaban karo laga gaarey.

“Al Shabaab waxay weli ku hawlan tahay dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed iyo waddamada deriska. Waxaa qof walba uu xusuustaa waxashnimadii Al Shabaab ka geysteen qeybo badan oo Soomaaliya ka mid ah, weerarkii Westgate, weerarkii Gaarisa, weerarkii Kampala iyo kuwo kale. Waxaan idinku bishaareynayaa in saacad walba iyo maalin kasta argagixisada Al Shabaab uu gabbalkooda sii dhacayo, guuldarooyin badanna loo geystey.Waan hubàa in goor dhow Al Shabaab laga ciribtiri doono Soomaaliya, Afrika iyo caalamka intiisa kale”.

Waxaa uu Madaxweynaha mahadcelin u jeediyay dalalka deriska ee muddada dheer uu dhabar adeygey culeyska ay kala kulmeen kumanaanka qaxooti Soomaali ah oo waddamadooda ku nool. Waxaa uu si gaar ah u ammaanay dowladda Kenya oo waddankeeda ku soo dhoweysay kumanaan qaxooti ah, ganacsato iyo ardey.

“Waxaan dhowaan booqan doonaa Kenya, halkaas oo aan madaxda Kenya kala hadli doono qaabka ugu habboon ee qaxootiga Soomaaliyeed dib ugu soo laaban karaan dalkooda, iyadoo la raacayo xeerarka caalamiga iyo heshiiskii saddex geesoodka ee Soomaaliya, Kenya iyo Hay’adda Qaxootiga Qaramada Midoobay ee UNHCR”.

Waxaa kale oo uu Madaxweynaha xusay doorka muuqda ee dalalka kale ee beesha caalamka ka cayaarayaan taageerada Soomaaliya.

————–DHAMMAAD——–
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada