U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan “Danjiraha Djibouti Ee Waqtigiisa Dhammaaday Dadaal Ayuu Eeliyay Taageerada Soomaaliya”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Xarunta Madaxtooyada sagootin ugu sameeyay Danjiraha Jamhuuriyadda Djibouti u fadhiya Soomaaliya Mudane Dayib Dubbad Rooble oo waqtigiisu uu dhammaaday.

Madaxweynaha ayaa ku ammaanay Danjire Rooble waxqabadkiisa iyo dadaalka uu u galey taageerada Soomaaliya.

“Xiriirka Soomaaliya iyo Djibouti oo weligiiba ahaa mid aad u wanaagsan, ayaa gaarey heerkiisii ugu sarreeyay muddadii 7-da sanno ahayd ee Danjire Dayib uu ku sugnaa Soomaaliya. Waxaa uu dalkan ka shaqeynayey xilli aad u adag, ilaa iyo haatanna waxaa uu si dhow ula shaqeeyaa Soomaaliya oo dhan. Waxaan u mahad celinayaa Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo shacabka reer Djibouti oo gartey inay inoo sooo xulaan shakhsi daacad ah oo dadaal badan oo Soomaaliya wax weyn u qabtey”, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabadaasi haddiyad ku guddoonsiiyey Danjire Dayib Dubbad Rooble, isagoo u rajeeyay inuu Ilaahay u fududeeyo xilka cusub ee uu safiirka kaga noqonaya dalka Qatar.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya, Dr Cabdisalaan Hadliye Cumar iyo Wakiilka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya, Mohamed Abdalla Idris, oo iyaguna goobta ka hadley ayaa si kooban uga hadley dadaalka iyo shaqada wanaagsan ee Danjire Dayib Dubbad Rooble uu ka qabtey Soomaaliya.

Danjire Dayib Dubbad Rooble oo xafladda qadada ah ka hadley ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu noqdo isku xiraha labada dal ee walaalaha ah muddadii 7-da sanno ahayd ee la soo dhaafay, isagoo sheegay inuu sii wadi doono dadaalka iyo garab istaagga shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Munaasabaddan waxaa sidoo kale ka soo qeybgaley Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Wasiirka Cadaaladda Mudane Cabdullaahi Axmed Jaamac, xubno ka tirsan labada gole, Taliyaha Ciidammada AMISOM, General Cusmaan Subagle, danjireyaasha waddamada shisheeye u fadhiya Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale.

009 008 007 006 005 004 003 002 001

———————–DHAMMAAD———————-

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya