U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan “Dowladda Waxaa Ka Go’an Dib u Nooleynta Dhammaan Laamihii Ay ka Koobneyd Jaamacadda Ummadda”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda ay ka go’an tahay in la horumariyo adeegyada ay bixiso Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo dhowaan dib u hawlgashey dagaalladii sokeeye kadib.

“Dowladda waxaa ka go’an dib u soo nooleynta dhammaan laamihii ay ka koobneyd Jaamacadda Ummadda, waxaana dhiirigelinayaa in lagu soo daro laamaha kale ee cilmiga ee muhiimka ah, si jaamacadda ay ula tartanto jaamacadaha kale ee dunida’’.

Madaxweynaha ayaa sheegay in muddadii yarey ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ay dib u hawlgashey ay sameysey horumar la taaban karo, isla markaana uu bogaadinayo dadaalkaasi.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale sheegay in maalmaha dhow ee soo socda ay ciidammada AMISOM ee deggan dhismeyaashii hore ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ay ka guuri doonaan, si fursad loo siiyo in jaamacadda ay hawlaheeda ay shacabka ugu adeegeyso ugu qabato.

Madaxweynaha ayaa hadalkaan sheegay ka dib markii uu booqasho ku tagay xarunta Jaamacadaasi oo ku taalla magaalada Muqdisho, waxaana booqshada Jaamacadda ku wehlisey Wasiirka Waxbarashada Khadar Bashiir iyo xubno kale.

— DHAMMAAD—