U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan “Hala Joojiyo Dagaalka Gaalkacyo”

Sheeko:Dalka

 

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka Gaalkacyo ee u dhaxeeya Puntland iyo Galmudug.

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa loogu baaqey Labada maamul ee ku dagaallamaya Gaalkacyo in wax waliba ay ku dhammeeyaan miiska wada hadalka, sidoo kalena aan la daadin dhiigga dadka shacabka ah ee Soomaaliyeed.

War-saxaafadeedka ayaa sidan u qoran:-

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in mar kale sii micno darro ah loo daadiyo dhiiga shacabka magaalada Gaalkacyo, halkaas oo laba kooxood oo iska soo horjeeda ay ku dagaalamayaan.

‘’Waxaan ku baaqayaa in deg-deg loo joojiyo dagaalka ka socda Gaalkacyo, wixii khilaafaad ee jirana wadahadal lagu dhammeeyo. Soomaaliya uma baahna colaad kale iyo dhiig micno la’aan loo daadiyo’’ ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa xusay in Soomaaliya ay ku jirto xaalad dib u heshiisiin iyo adkeynta dowladnimadeeda, gaar ahaan doorashooyinka dhowaan dhacaya, loona baahan yahay in laga fogaado wixii hannaankaasi carqaladeynaya.

“Soomaaliya waxay mareysaa marxalad xasaasi ah oo biseylka dowladnimadeena lagu qiimeynayo, waana nasiib darro in iyadoo la wadahali karo qori caaraddiisa xal lagu raadiyo. Ma aqbali karno in shacabka loo horseedo colaado hor leh oo qaranimadeena burburin kara’’.

Waxaa uu ugu dambeyn Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqay maamullada Puntland iyo Galmudug inay deg-deg gacan uga geystaan joojinta colaadda jirta, isagoo mar kalena xusuusiyay shacabka Soomaaliyeed inuu dhammaaday waqtigii isla xisaabtan la’aanta, lalana xisaabtami doono cid kasta oo carqaladeyneysa amniga dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

————————DHAMMAAD———————
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Somalia
Email: [email protected]