U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan: Howlgal ka dhan Al-shabaab ayaa bilaabanaya maalmaha soo socda

Sheeko:War
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud/ Xuquuqda Sawirka, Reuters, 2009
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud/ Xuquuqda Sawirka, Reuters, 2009

Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay dejiyeen qoreshe cusub oo militiri oo Dowladiisu ay kula dagaalamayso xarakada Al-Shabaab.

Madaxwayne Xasan Shiikkh Maxamuud waxa uu sheegay in Ciidamada Dowlada federaalka Soomaaliya iyo kuwa hawlgalka midowga Afrika ee AMISOM ay qaadayaan howlgallo ay ku sugayaan ammaanka Magalooyinka Dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya oo la hadlay Wakaalada Wararka Reuters ayaa sheegay inay Dowladiisu ay qorsheeneyso duullaan  Cusub ay ku qaadayaan Al-shabab islamarkaana Soomaaliya howlgalkaas looga saaro.

Xarakada Al-shabab ayaa gacanta ku dhigtay inta badan Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya sanadkii 2006 ilaa 2011, balse wixii intaa ka dambeeyay waxey u muuqdeen kuwo dowladda iyo AMISOM ay ka gacan sareeyaan madaama lagala wareegay Magalooyin badan oo ay gacanta ku hayeen.

Xarakada Al-shabab oo xiriir la leh Ururka Al-qaacida ayaa haatan maamusha qeybo ka mid ah bartamaha iyo koofurta dalka ,wuxuuna madaxweynaha uu  sheegay in goobahaas haatan ay ku xoogan yihiin Al-shabaab looga saari doono howlagalkan marka uu bilowdo.

“howlgalka waxa uu bilaaban doonaa maalmaha soosocda “ayuu yiri intii uu ku guda jiray wareysi uu Washighton ku bixinayay ,halkaa oo uu ugaga qeyb galayo shirka hogaamiyaasha Afrika iyo Mareykanka.

Xasan Sheekh ayaa meesha ka saaray qataraha Al-shabab ee Muqdisho oo ay ku jiraan dilalka ay Muqdisho ka geystaan sida dilkii todobaadkii la soo dhaafay loo geystay Xildhibaan Madeer.

Waxa uu yiri maxamuud  dhacdooyinkaasi waxay lamid  yihiin kii Westgate ee ay ku dhinteen ilaa 67 ruux.

“tani waa Astaan daciifnimo, waa ay badasheen habka Al-shabab haatan “ayuu yiri Maxamuud.

Booqashada Xasan Sheekh uu ku joogo Washighton ayaa ku soo aadeysa xilli xiriirka qotada dheer ee labada dal, iyadoo dowladda Mareykanka ay ku dhawaaqday in ay safiirkeedii ugu horreeyay u direyso Soomaaliya tan iyo 1993.

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bishii hore u magacaabay Ra’iisal wasaarihii ee dalka mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke danjiraha Soomaaliya ee dalka Mareykanka.