U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan iyo Culimada Soomaaliyeed oo Kulan Qaatay

Sheeko:Amniga
Madaxweynaha Jamhuuriyadda  Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada Qaranka kulan wadatshi ah kula qaatay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed, ayaa uga warbixiyey mudnaanta uu siinayo adkeynta xiriirka dowladda iyo culimada, isagoo tilmaamay muhiimadda ay u leeyihiin la dagaallanka fikirka xagjirnimada iyo toosinta dowladnimada.
Madaxweynaha ayaa culimada Soomaaliyeed ku bogaadiyey doorka wanaagsan ee ay ka qaataan wacyi gelinta, waxbaridda iyo dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed, waxa uuna ku ammaanay kaalinta ay ka qaadanayaan gurmadka abaaraha iyo taakulaynta dadka danyarta ah, kuwaas oo la daalo dhacaya abaarta ku dhufatay dalka ee dad iyo duunyaba  saamaysay.
Dhankooda, culimada ayaa la wadaagay Madaxweynaha talooyin ku aaddan dowlad dhiska, horumarinta dalka iyo la dagaallanka fikirka xagjirnimada ah, iyaga oo tilmaamay sida ay dowladda ugala shaqeynayaan xaqiijinta Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah oo madaxweynuhu sheegay inuu doonayo inuu dhiso dal iyo dowlad nuuca ku sifaysan intaba.
May be an image of 6 people, people sitting, people standing and indoor
May be an image of 3 people, people sitting, people standing and indoorMay be an image of 2 people, people sitting, people standing and indoorGoobjoog News